MA DHIBAA MISE WAA DHEEF XAADHITAANKA WADOOYINKA CAASIMADA HARGAYSI

 Waxaa Mahad iskaleh ILLAAHAY (SWT) Waxaan salamayaa dhamaan Akhrista yaasha, Bahda wara baahinta gaar ahaan Website-yada iyo madaxda Dalkaba.

Waxaan Maqaalkayga si kooban Ugu soo Qaadan doonaa Xaadhida la xaadho wadooyinka Caasimada Hargaysa Habeenkii Marka ay Gaadho  Sideeda (8:00), waxaa jirta in la xaadho jidadka caasimada Hargaysa taas oo ay Dawlada H/Hatgaysa xaadho, waxaad Arkaysaa marka ay gaadho Sideed Habeenimo Siigo iyo Boosdh Fara badan oo iska Qabsaday Jidka DHeer ee dhex mara Caasimada Hargaysa taas oo ay soo Galaan shaqaale Ay Dawlad H/ Hargaysa Maamusho.

Waxaad Arkaysaa suuqyada caasimada oo camiran waxna lagu kala iibsanayo isla markaan Ay xaadhid Bilaabaan Niman Gafuurka Duubtay Iskoobe dheer  sita, islamarkaan siigada  iyo Boodhka ayaa Cirka isku shareera dadka suuqyada ka shaqaynaya, Gdiidka wadada maraya iyo xataa dadku wadada Katalabaya mid walba dhib ayaa ka soo gaadhaysa. Waxayna Halisba ugu Jiraan in gaadiidku Jiidhi Ninkan Wadad xaadhay ee  Danta dadwaynaha ka shaqaynaya.

a

Waxaa kaloo jirta inay wada Qarkeeda dhigayan ciida  hadhawna wayku soo noqonaysaa marka saxmadu soo gasho suuqa oo dadka iyo gaadiidaka ayaa dib ugu soo celniya ciida waxana ahayd in la qaado hadii laga soo Xaadhay wadada lana geeyo meel ku haboon,

Hadaba miyaanay ka Fiicanay in ay shaqaaluhu ay soo agalaan Xili ay wadooyinku Madhanyihiin amase Laga yaraaday , si ay  U gutaan shaqada  ay hayaan ?

Waxaan Talao ku siinalaa Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa ee uu ugu Horeeyo MAYOR  CABDRAXMAAN SOLTELKO  In ay Qoarshahaas wax ka badalaan aniga oo uga faadaysanayaa jaaniskan Waxaan odhan la haa .

 

  1. In ay shaqalaha wax xaadhaya ay soo galaan xili ay Cagtu ka go’day caasimada iyo jidadka tusaale ahaan ilaa  12:00  Habeenimo

  2. In ay Fogeeyaan Ciida ay xaydhaan oo noqoto mid dib ugu soo Noqota wadad waayo waxay dhigayaan wadada qarkeeda waana  “KU XAADH OO KA XAADH”.

  3.  In ay ixtiraamaan Bulshada suuqyada iyo gaadiidka wada marayaa iyadoo ay  iyaka u shaqaynayan hadana si aanay dhib uga kororsan.

Ma dhaliilayo in wax la qabto oo Waa sax in la nadiifiyo wadada oo la hagaajiyo bilicda wadada iyo qashinkaba lakiin Habkii loo marayay ha  saxaan Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa.

  Aadbaa  umahadsantihiin.

 Wa bilaahi tawfiiq

ABDIRASHID  AW MUUSE ADAN

Rashaad055@hotmail.com     063-4475540/9552000

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Fekrada Iyo Qaabka Fahan Ee Qoraalkan Waxaa Iska Leh Qoraaga Ku Saxeexan, Kasbashadiisa Iyo Ka Booditaankiisuna Wuxuu Gaar U Yahay Isla Qoraaga. Marnaba Kama Masuul aha Shabakadda Somalilandtoday.com Balse waxay Shabakaddu Diyaar u Tahay Is Dhaafsiga Rayiga Gacal Wadaaga Ah……..