Macalinka Kooxda Man United Louis van Gaal Oo Shaaciyay In Kabtan Rooney Si Sahlan Shaxdiisa Xulashada Koobad Uga Mid Noqon Doonin.

(SLT-Ciyaaraha)-Louis van Gaal ayaa uga digay Wayne Rooney inuusan heysanin hubanti rasmi ah oo la xiriirta booskiisa Manchester United.

Kabtanka Man United ayaa mar kale maqnaanaya marka kooxda Van gaal ay wajaheyso West Brom berrito ka dib markii uu ganaax seddex kulan ku muteystay casaankii uu qaatay kulankii West Ham ee bishii hore.

Rooney ayaa sidoo kale seegi doona kulanka aadka loo wada sugayo ee ay Chelsea soo booqaneyso Old Trafford, laakiin waxaa jadwalka ugu qoran inuu soo laabanayo kulanka Manchester derby ee 2da bisha November.

Van-Gaal

Markii la weydiiyay haddii Rooney si toos ah dib ugu soo laabanayo shaxda kooxda marka ay u safrayaan Etihad Stadium, van Gaal ayaa ku jawaabay: “Cidna socod kuma soo galeyso kooxdeyda, i aamina. Waa inaad booskaaga u shaqeysato marka la joogo garoonka tababarka.

“Laakiin ciyaaryahan walba oo halkaan jooga waa uu ogyahay taas. Hore ayaan u sheegay in kaliya ciyaaryahan leh magaca ugu fiican inaysan la micno aheyn inay u fiican yihiin kooxda.

“Waxaan mar walba raadinayaa qaab ciyaareed fiican oo joogta ah, waxaana ka raadinayaa kooxda guud ahaan iyo ciyaartoyda.”

Somalilandtoday\Hargeisa office

Contact@Somalilandtoday.com