Liverpool Oo 12-xidig Ka Direysa Anfield Road 6-da Bilood Ee Soo Aadan.

(SLT-Sport)-Liverpool ayaa dib u habeyn ku sameyneysa daafaceeda dambe madama 10-xidig oo daafac ahaan kooxda u jooga ay ku fashilmeen iney daboolaan baahida kooxda heysata waxaana Telegraph ay qortay in Branden Rodgers uu diyaarinayo qorshe ka dhan ah 12-kaas xidig, waxaana daafacyada wehliya labada goolhaye.

Liverpooldefenders_3146367b

Simon Mignolet ayaa waayay kalsoonida tababare Rodgers madama kulamadii ugu dambeeyay uu doortay Brad Jones oo isagana kasoo bixi waayay kaalintiisa.

Si Kastaba daafacyada Liverpool ee Branden Rodgers uu damacsan yahay inuu kooxda ka diro ayaa kala ah: Kolo Touré, Glen Johnson, Jon Flanagan, Mamadou Sakho, Jose Enrique, sidoo kalana xidigaha amaahda ku maqan ee kala ah: Sebastian Coates, Andre Wisdom, Tiago Ilori oo uu wehliyo wilka ay amaahda ku heystaan ee Manquilo.

Si Kastaba labada goolhaye ee Brad Jones iyo Simon Mignolet ayaa ku jira qorshaha xidigaha laga diri doono Liverpool madama kooxda ay calaameysatay sadex goolhaye midkood, Peter Cech, Buntland & Sergio Romero.

Ugu dambeyntii daafaca Liverpool ee Anfield baaqiga ku ahaan kara ayaa noqday Martin Skrtel iyo Dejan Lovren.