Lionel Messi Oo Ballan Qaaday Inuu Lugeyn Doono 43 Mayl Hadii Argentina Ay Hanato Koobka Adduunka

Kabtanka Argentina Lionel Messi ayaa ballan qaaday inuu lugeyn doono masaafo dhan 43 Mayl oo u dhiganta ku dhawaad 70 Km hadii Argentina ay hanato koobka Aduunka ee Russia ka dhici doona sanadka soo aadan.

Argentina ma imaan laheyn koobka Aduunka hadii aysan heysan laheyn Lionel Messi madama uu dhaliyay sadexley kulankii ugu dambeeyay ee ay ku xaqiijiyeen usoo bixitaanka markaas oo ay 3-1 ku dileen Ecuador.

30-jirkaan heerka caalami wuxuu balan qaaday inuu safri doono 43 Mayl hadii uu dalkiisa u geeyo abaalmarinta ugu weyn kubadda cagta bartamaha sanadka soo aadan, wuxuuna doonayaa inuu guto waajibaad la xiriira dhanka diinta uu aaminsan yahay.

“Waxaan socdaal ku tagi doonaa San Nicholas” ayuu yiri Lionel Messi oo la hadlayay TyC Sports ka hor kulanka saaxiibtinimo ee Russia.

Weeraryahanka Manchester City Sergio Aguero ayaa la weydiiyay hadii uu Messi kula biirayo safarka socdaalka ah, wuxuuna qiray inuu ka qeyb qaadan doono balse aysan socod ahaan doonin oo ay ordi doonaan.

“Socod?” maya waan ordeynaa” ayuu yiri Sergio Aguero.

The 42.4-mile pilgrimage starts in the Argentinian city of Rosario and ends in San Nicholas

Dadka Argentina ee aaminsan diinta Catholics isla markaana dagan magaalada Rosario ayaa safra sanad walba 68Km si ay u booqdaan taalo ku taala San Nicholas, waxaana safarkaas ay sameeyaan sanad walba 25-ka September – waxaana lagu qiyaasaa socdaal 14-saacadood ah.