Lafo Gur sharci oo ku saabsan xeer Nidaamiyaha Dhismaha wasaaradaha iyo Iyo Ha,yadaha xukuumada xeer LR/01/2018 :

Lafo Gur sharci oo ku saabsan xeer Nidaamiyaha Dhismaha wasaaradaha iyo Iyo Ha,yadaha xukuumada xeer LR/01/2018 :

Waan umahad celinaya sharciyaqaanada Somaliland oo doodo kala duwan ka galay xeer Nidaamiyahan gaar ahaan Proff Mubarik Ibrahin Aar iyo Garyaqaan Abdishakuur(Good Lawyer) Mukhtaar Yuusuf iyo Garyaqaan Jamaal Mandeela

Ugu Horayn Madaxweynuhu xeer ma soo saari kara Awood ma uleeyahay intuu ku xadaysan yahay xeerka uu madaxweynuhu soo saarayo Dood badan ka gali maayo oo waa laga hadlay waxaana si cad uga jawaabaya qodobka 106 ee Xeer NO/71/2015 Qodobka 14aad ee isla xeer No/71/2015 Iyo qodobka 92aad (1,2,3)ee DJsl oo ka hadlaya Awoodaha kalle ee Madaxweyanaha ee la xidhiidha xeerarka degdega ah .

Doodaydu

waxay tahay Xeer Nidaamiye Madaxweyne ma lagu Aasaasi karra Ha,yad dawladeed Ama wasaarad se Ma lagu Nasaqi karra isla xeer Madaxweyne Ha,yad Ama wasaarad Horre usii jirtey waxa si cad uga jawaabaya qodobka 122aad ee DJSL oo sheegaya in Ha,yad kasta oo dawladu yeelanayso xeer ugaar ah oo qeexaya wajibadkeeda shaqadeeda iyo Dhawrsaoonanta Madaxdooda Xeerki qeexayay uu jirra oo waa xeer LR/71 /2015 Qodobkiisa 66aad oo tilmaamaya qaab dhismeedka Ha,yadaha Dawlada
Iyo qodobka 64aad ee isla xeerka kala xadaynta xukuumada iyo Ha,yadaha Madaxa Banaan oo sheegaya

Xeerka Aasaasidda

1. Mid kasta oo kamid ah hay’addaha waa in xeerkeedda lagu aasaasay ay ku cadaadaan arrimaha ku dhigan xeerkan isla markaana waa in loo Aasaasa si waafaqsan xeerkan

Haddaba Iyadoo uu si cad inoogu tilmaamaya qodobadaas aan kor ku xusay xeer Nidaamiyuhu muxuu ka hadlaya Ama Koobsanaya

Xeer Nidaamiyuhu waxa uu ka kooban yahay sadex qaybood oo kala ah

ü qodobo Guud ,

ü Wasaaradaha iyo Ha,yadaha Gaarka ah iyo

ü qaybta ugu danbeysa oo ah xilka iyo waajibaadka wasaaradaha

Xeer Nidaamiyahani waa Mid Aasaasay Ha,yado dawladeed oo cusub iyo wasaarado halka uu qaar kallena baabinayo kuwo kallena uba bedalayo Ha,yado waxaynu eegi doona Ha,yadaha cusub ee iyo wasaaradaha lagu Aasaasay xeer Nidaamiyahan oo kala ah

ü Wasaarada Hormarinta Maalgashiga

ü wasaarada Gadiidka iyo Hormarinta Jidadka

ü Wasaarada xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

ü Hayada qaxoontiga iyo Barakacayaasha

ü Ha,yada Duulista Iyo Madaarada

Kuwaasi waa Ha,yadaha iyo wasaaradaha cussub ee lagu Aasaasay xeer Nidaamiyahan haddana waxaynu dul istaagi Ha,yadihii iyo Komishanadii lagu daray wasaaradaha dawlada oo iskugu jirra kuwo xeer Barlamaan ku Aasaasna iyo kuwo xeeroorkuugu Golayaasha Sharci dejinta Hor yaleen oo kala ah

ü Gudidii Mihnadlyaasha cafimaadka (NHPC) oo lagu daray wasaarada cafimaadka

Iyo shan ha,yadood oo kalle oo ku xusan qodobka 6aad ee Xeer Nidaamiyahan xeer L/R 01/2018

Hadaba su aashu waxay tahay Ha,yad dawli ah maxaa lagu Aasaasi karra maxaase lagu baabin karra

Waxa si cad uga jawaabaya qodobka 122 Dasstuurka iyo qodobka 64aad(3)ee Xeer L/R 71/2015 oo sheegaya in Ha,yad kasta la Aasaasi karro kaliya marka uu jirro xeer ka horeeya iyo qodobka 105 ee xeer L/R 71/2015 oo sheegaya dhaqan galka xeerkan iyo inaanu jirrin xeer kasta oo ka hor imanaya xeerkan

Halkaas waxa inooga soo baxday ugu horayn inuu madaxweynuhu Awood uleeyahay inuu soo saaro xeer balse xeerka uu soo saarayo ay yihiin oo kalaiya labada xeer eek u kala cad qodobada 92 ee dastuurka iyo qodobka 14aad ee Xeer L/R 71 /2015 oo kala ah xeerarka degdeg ah oo barlamaanku ansixinayo iyo xeernidaamiye lagu dhaqan galinayo xeerkan Barlamaanka taas macnaheedu maaha inaanu madaxweynuhu Ha,yad aanu abuuri karrin oo uu samayn karra madaxweynuhu Ha,yad dawli ah Marka uu arko Lagama Maarmaan balse waxa shardi ah inuu jirro xeer uu Ansixiyo Barlamaanku oo aqoonsan jiritaanka Ha,yadaas dawliga ah

Xeer Nidaamiyuhuna sida ku cad qodobka 106 ee xeer L/R 71/2015 maaha xeer Lagu Aasaaso Ha,yado dawladeed ama lagu baabiyo ee waa wareegto ama Amar madaxweyne oo lagu dhaqan galiyo xeer Barlamaan oo horre ujiray

Tusaale ahaan xeer Nidaamiyaha Dhulka ee xeer L/R 01/2014 Ee uu soo saaray Wasiirki Arrimaha guduhu waxa lagu nidaaminaya Shaqada gudiga Ka garnaqada dacwadaha dhulka waxaanu ka dhashay xeerka Maamulka dhulka Iyo Magalooyinka ee xeer L/R 17 2001 Qodobkiisa 28aad oo lagu Aasaasay Gudida ka garnaqada dacwadaha dhulka waxaanu waafaqsan yahay xeerka Barlamaanka oo xeerku isagu gudi cusub ma abuurayo kaliya waxa lagu dhaqan galinaya uun xeerka barlamaanku soo saaray

Sidoo kalle eeg xeer Nidamiyaha wasaarada kaluumaysiga ee Ruqsad Bixinta kaluumaystada ee xeer L/R 01/2012 oo waafaqsan kana dhashay xeerka Kaluumaysiga

Dhinaca kalle xeer Nidaamiyahani maaha mid ka dhashay xeer L/R 71 /2015 ee waa xeer lagu Hirgalinyao siyaasada Xukuumada sida ku cad qodobka 4aad ee xeer Nidaamiyahan xeer L/R 01/18

Xeer Nidaamiyahan waxa lagu Nasakhay Gudigii Heer qaran ee Mihnadlyaasha caafimaadka oo ku Aasaasna xeer L/R19/2001 Iyadoo kaliya gudiga heer qaran lagu baabin karay xeer kan la mid ah

Dhinaca kalle xeerkani waxa uu faquuqaya dadka naafada ah kana hor imanaya siyaasada Naafada ee Somaliland oo lagu aqbalay Heshiiska caalamiga ah ee Dadka Naafada ah oo 2012 Golaha Guud ee Qaramada midoobay ansixiyeen taaso lagu qaatay in Arrimaha naafada laga eego xagga xuquuqul insaanka oo aan laga eegin dhinacyada waxbarashada ,caafimaadka iyo Dawrsiga

Eeg qodobka 12aad (16)ee xeer LR/01/18 oo si cad uga hor imanaya siyaasada Naafada

Ugu danbeyntii xeerkani Marka la eego shuruucda kor ku xusan ee ay ka midka yihiin Dastuurka Somaliland iyo Xeerka Kala xadaynta xukuumada iyo ha,yadaha Madaxa Banaan ee dawlada Lama jaan qaadayo Xeer nidaamiyahan oo u eeg Mid lagu degdegay soo saaristiisa

Waxaan soo jeedinaya Talooyinkan Hoos ku xusan

ü Si uu usareeyo sharcigu waa in loo raaca Asaaska ha,yadaha dawlada si waafaqsan qodobka 122aad ee dastuurka iyo qodobka 64(3) ee Xeer L/R 71/2015

ü In xeer Nidaamiyahan la waafajiyo xeerki uu ka dhashay maadama aanu kaligii Taagnaan karayn

ü In Ha,yadaha iyo wasaaradaha cusub ee la abuuray loo sameeya xeerar ugaar ah oo waafaqsan xeer L/R 71/2015

ü Yaan la iloobin Falsafadeena dawladnimo ee kala ah xeer dejinta ,garsoorka iyo Fulinta oo Baraka isku haya uu yahay(check and balance) si aanay ha,yadani ta kalle ugu xad gudbin shaqadoodana ugu madax banaanadaan

Waxa Qoray

Mubaarik Cabdi Ismaaciil

Oo ah qareen iyo difaace xuquuqul insaan

Qareen2017@gmail.com