Lacag Dhan 5.4 Billion Oo Loogu Yaboohay GAZA

(SLT-Cairo)-Shirka caalamiga ah ee dib u dhiska Qaza ayaa waxa lagaga yaboohay lacag dhan 5.4 bilyan oo doolar.

Shirkaas oo ka dhacay magaalada Qaahir ee dalka Masar waxa ka qeyb galay in ka badan 50 waddan.

 

141012105254_cairo_gaza_donors_conference_512x288_reuters_nocredit

Waxaa looga wada hadlayey sidii dib loogu dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee Marinka Qaza ee ku burburay dagaalka ay Israa’il ku qaaday Qaza.

Lacagta la yaboohay waxay ka badantahay afartii bilyan ee uu codsaday maamulka Falastiin.

Ugu yaraan 100,000 oo shacabka kunool Qaza ayaa ku gurya beelay duqeyntii Israa’iil ee socotay ku dhowaad labada bilood.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com