Labadaba Waa la Raaligeliyay!

Tan iyo markii ay galabta (10.9.2017) soo baxday in madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex u magacaabay Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu xilkii Guddoomiyaha Gobolka Awdal ka joojiyey dabayaaqadii bishii Ogos, ayaa magacaabistiisu dhalisay doodo hadheeyay goobaha barkulanka iyo saxaafadda bulshadaba.

Dad badan oo mawduucan faaqidayey, ayaa ku doodayey in madaxweyne Siilaanyo uu mowqif labada dhinacba raali gelin kara uu ka qaatay shaqo ka joojintii Guddoomiye Mustafe Shiine.

Waxaa dadka sidan qabay ra’yigooda ku salaynayeen in madaxweynuhu uu raacay madaxweyne ku-xigeenkiisa, maadaama oo uu gobolka Awdal ka soo beddelay masuulkii uu shaqada ka sii joojiyey muddadii uu kusimaha ka sii ahaa dalka. Waxaanay ugu muuqatay inta fikirkan aaminsanayd in xaaladu dhabqi lahayd haddii Guddoomiye Mustafe Shiine dib loogu celin lahaa Awdal.

Waxa kaloo jiray dad aan xad lahayn oo siyaasadda si dhow ula socda oo yaqiinsanaa in Madaxweynuhu u hiiliyey Guddoomiye Shiine oo uu garwaaqsaday inaanu gelin wax gef ah oo uu ku mutaysto in laga saaro xayndaabka xukuumadda. Taasina sababtay inuu u soo beddelay gobolka Maroodi-jeex oo xilligan xasaasiga ah oo kale badhasaabkiisu noqdo macduun.

Waxase ray’ul caamku isku raacsanaayeen in Mustafe Shiine oo ah nin dhallinyaro ah uu qaatay tallaabo waayeelnimo xilligii shaqada laga sii joojiyey oo uu si asluub leh u ajiibay amarkii ka soo baxay madaxweyne ku-xigeenka,uguna camal falay.

Gobolka Maroodi-jeex waa gobolkii Afraad ee uu guddoomiye ka noqdo Mustafe Shiine,waxaanu hore u soo maray Gabiley, Sool iyo Awdal. Waxa kaloo intaas u raaca in markii Madaxweyne Siilaanyo xilka la wareegay loo magacaabay Maareeye ku-xigeenka Madbacada qaranka.

By:– Cumar Maxamed Faarax