Kurdiyiinta Oo Sheegay Inay Kooxda Daacish Ka Saareen Magaalada Kobne

(SLT-Kobane)-Taliyaha Maleeshiyada Kurdiyiinta ee difaaca magaalada waqooyiga Syria ee Kobani ayaa sheegtay in kooxda IS laga saaray dhammaan magaalada, marka laga reebo labo meel oo banaanka bariga magaalada.

Taliye, Baharin Kandal, oo amarta dagaalada bariga magaalada Kurdiyiinta ayaa BBC-da u sheegtay in duqeynta cirka uu hogaaminayo Mareykanka ay kooxda jihaad-doonka ku qasabtay inay dib u gurtaan.

 

index

Waxay sheegtay inay rajeyneyso in magaalada dhakhso la xoreyn doono. Boqolaal dad ah ayaa lagu dilay magaalada ilaa markii kooxda IS ay weerarka ku qaaday bil ka hor.

Sarkaal Kurdi ah oo lagu magacaabo, Idriss Nassan, ayaa hore u sheegay in kooxda IS ay lumiyeen in ka badan labaatan boqolkiiba magaalada xadka ku taal.

Somalilandtody/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com