“KULMIYE Wadadii Cidlada Ahayd Ee Goroyaxunta Sare Ayuu Qaaday” Muniir Axmed Cigaal

(SLT-Hargaysa)) – Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa xisbiga Waddani, Muniir Axmed Cigaal ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye uu qaaday waddadii cidlada ahayd ee Goroyaxunta Sare, sidaa darteedna uu bulshada Somaliland uu qabyaalad uu ku dawakhinayo.

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal ayaa sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyey munaasibad maanta uu xisbiga Waddani uu ku soo dhaweynayey Beel ka mid ah Beelaha Galbeedka Gobolka Maroodi-jeex dega, waxaanu Muniir Axmed Cigaal uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Kolay waa xafladd aad u qiimo badan oo tilmaamaysa hilaada guusha Waddani, habka aynu xafladaha usoo qaban qaabinaa waxa weeyi ‘Litacaarafuu) in la isku garto ee macrufada ahayd sidii reer Binu-Haashimiyo laakiin xisbiga aynu la tartamayno ee Kulmiye ayaa isagu wada mid taa ka duwan oo ah kala qoqobka iyo kala qaybinta bulshadeena.

Anigu dadka ololaha ka wada gobolka Togdheer ayaan ka mid ahayoo waliba anaga xagayagaa waa furinoo xaga uu aadka noogu badan yahay farafarayntiisu weeyi, bal amarka illaahay waxa la yidhi marka illaahay xoolo kula doono dadkeeduu ku siiyaa marka wax lagaa qaldayana talada tii qaldan ayaad qaadataa.

Waxa jira laba gorayo xun cidii garanaysaa garanaysee, Gorayaxunta sokena way camiran tahay, gorayaxunta shishena maqaaxiyo iyo wax toona ma leh, dabadeedna reer Burco waxay isku dacaayadeeyaan gorayaxunta shishe ayaan dhuftay, xisbigii Kulmiye horta gorayaxuntii shishe ayuu dhuftay, midhkaa waad ogaanaysaan.” Ayuu yidhi Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, waxaanu intaasi ku daray “Qolyo Salaadiin ah oo bari dhaweyto Burco la geeyey aadbay wax noo tareen, wax aad shar moodayso oo kuu khayr ahbaa jira, khayr weyn bay Burco tareen, khayr weyn baanay Somaliland tareen.

Waxaan leeyahay wixii umusha u dana ayaa ilmahana u dan ah, qarankan Somalilandna kuma dhismayo kala qoqob iyo kala qabyaaladayn iyo ardaayo, waad arkayseen xildhibaankii ugu dhawaa Madaxweynaha ee saaxiibkii ahaa halka uu yidhi ‘Adiguba caqlaad leedahee maxaa Carar dhaama’ cid ku hadhaysa Kulmiye inaanay jirin, midna waan qirayaayoo deegaankan aynu maanta xaflada u qabanayno rag haldoor ah ayaa kaga jira oo horumuud ah oo waliba anaga qoladayadan bariga wax weyn na taray, maantana inay deegaamadii yimaadeen aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa.” Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office