Ku: Madaxweyne. Ujeeddo: Codsi Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Wax u Qabadka Maxaabiista Soomaaliya Ee Ku Xidhan Jeelka Dhexe Ee Hargeysa…By Rashiid Sulub Caalin

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Og: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda J/S/land

Og:Taliyaha Ciidanka Asluubta J/S/Land

Ujeeddo: Codsi Muhiim Ah Oo Ku Saabsan Wax u Qabadka Maxaabiista Soomaaliya Ee Ku Xidhan Jeelka Dhexe

Ee Hargeysa

Mudane,

Anigoo ah Haldoor Rashiid Sulub Caalin, isla markaana deggan magaalada Hargeysa kana shaqeeya arrimaha samafalka siiba dadka looma-ooyaanka ah, ayaa waxaan halkan kugula socodsiinayaa Mudane Madaxweyne, in maxaabiis ilaa 20 qof gaadhaya oo u dhashay Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya ay ku xidhnaayeen muddo ku dhow tobaneeyo sannadood Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa. Maxaabiistaas oo loo haysto fal budhcadeed, isla markaana ay xukun ku riday Maxkamad ku taal Dalka Sycheles, oo markii dambana ay isla qaateen oo ay ku heshiiyeen Dowladda sychelles, hay’adihii adduunka ee ka shaqeynayey arrimahaasi iyo Dowladda Somaliland in loo soo wareejiyo Somaliland oo lagu xidho inta loo helayo jeel ku habboon oo oo Soomaaliya ku yaal. maxaabiistaasi waxay u badan yihiin rag dhalinyaro ah, isla markaana waxa lagu xukumay xadhig gaadhaya labaataneeyo sannadood.

Mudane Madaxweyne, dhalinyaradaasi ku xidhan Jeelka Dhexe Ee Hargeysa ma soo booqan karaan dadkii u ehelka ahaa ee jooga Goboladda Dhexe ee Dalka Soomaaliya duruufaha ka taagan Dalkaa aynu jaarka nahay awgood. Sidoo kale, maxaabiistani ma haystaan cid ka caawisa arrimaha sharci ee la xidhiidha dacwadda iyo falalka loo haysto. Inkasta oo Wasaaradda Caddaaladda iyo Ciidanka Asluubta J/S/land ay xil weyn iska saaraan daryeelkooda aas-aasiga ah, haddana Mudane Madaxweyne, sidaad garawsam karto waxay u baahan yihiin in aad u fidiso Cafis Madaxweyne amma in laga shaqeeyo sidii loogu beddeli lahaa Jeelasha Dalka Soomaaliya si ay eheladooda iyo wixii ay tabayaan ugu fududaadaan.

Mudane Madaxweyne, ma jirto meel aan iska soo galno iyo dano kale oo aan ka leeyahay maxaabiistaas, oo aan ahayn Muslimnimo iyo bini Aadanimo. Sidaa awgeed, waxaan si sharaf iyo karaamo leh kaaga codsanayaa, anigoo kuu ducaynaya inuu Ilaahay kuu fududeeyo xilka weyn ee aad qaaday, in aad il naxariis leh ku eegto qaddiyadda nimankaa maxaabiista ah, maadaama maanta ay gacanteena ku jiraan.

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa Mudane Madaxweyne kuna xusuusinayaa hadalkii ugu dambeeyey ee Nabigeena (SCW) ee uu yidhi ‘waar salaadda salaadda iyo wixii gacmihiina ku jira inaad xil iska saartaan’.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email:sulub2007@yahoo.com

Hargeysa, Somaliland.