Somaliland: Kotomeeyo Ka Mid Ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Guddoomiye Cirro Ku Eedeeyay Khiyaamo Qaran Iyo Qodobbada Ay Cuskadeen

(SLT-Hargeysa) – In ka badan 50 xildhibaan oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee xisbiga KULMIYE ugu jira Golahaasi, ayaa maanta shir jaraa’id oo ay qabteen ku soo bandhigay khiyaamo qaran oo uu ku kacay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, Md, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, kuwaasi oo ku taxan xeer aan ahayn kii diwaangelinta ee la ansixiyey oo uu u gudbiyey shir-guddoonka Golaha Guurtida ee Somaliland, isla-markaana dib loogu soo celiyey.

Xildhibaannada KULMIYE ugu jira Golaha wakiilada oo afar matalayey saxaafadda u soo bandhigeen khiyaamada qaran ee uu Cirro ku kacay, ayaa si faahfaahsan u shacabka u tusay in Guddoomiye Cirro uu jid cusub oo dalka fawdo u horseedaya uu bilaabay, maadaama oo uu xeerkii asalka ahaa ee diwaangelinta loo ansixiyey mid aan ahayn uu si qarsoodiya ugu gudbiyey Golaha Guurtida.

Xildhibaan Cali Barre, Xildhibaan Ibraahim Ruush, Xildhibaan Cabdiraxmaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere) iyo Xildhibaano Cali Gabiley oo xarunta Golahooda shirka jaraa’id ku qabtay ayaa soo bandhigay nuqullo ka mid ah xeerka diwaangelinta ee dhawaan Golaha Wakiiladu ku ansixiyey codka aqlabiyadda ah iyo nuqullo ka mid ah xeerkaasi oo uu Guddoomiye Cirro wax ka bedal ku sameeyay ansixinta Mudanayaasha Golaha Wakiilada isla-markaana waxyaabo uu dan u arkay ku darsaday, una gudbiyey Guurtida “Xeerkii Diwaangelinta ee Golaha wakiiladu ku ansixiyey codka ka badan 60-ka looma gudbin Golaha Guurtida, ee waxa loo gudbiyey rayigii Guddoomiyaha Golaha wakiilada, Cabdiraxmaan Cirro, warqadda uu Guddoomiyuhu saxeexay ee Guurtida loo gudbiyeyna maaha xeerkii Mudanayaasha Goluhu ansixiyeen” ayuu yidhi, Xildhibaan Cali Barre oo ka mid ahaa Mudanayaasha Muxaafidka ee hadlay.

Xildhibaan Ibraahim (Ruush) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ka digay in Golaha wakiilada la furo, ilaa laga wada hadlo khiyaamada qaran ee uu Guddoomiyaha Wakiiladu ku kacay “Khiyaamada qaran ee dhacday oo laga wada hadlo mooyaane, waxa koowaad ee Guddoomiyaha Golaha wakiilada ku imanayaa waa Maamuus ka xayuubin, waayo wixii xilka lagaaga qaadi lahaa ayaad ku kacday” ayuu yidhi, Mudane Ruush, oo sidoo kale halkaasi ka akhriyey warqaddii Shir-guddoonka Guurtidu u soo diray Guddoomiye Cirro si uu uga noqdo tallaabada uu wax kaga bedalay xeerka Goluhu meel-mariyey, hasa-yeeshee uu Guddoomiye Cirro qoraalkaasi bedalkeeda uu warbaahinta ka wareeray Guurtida “Yaa filayey Guddoomiyihii Golaha wakiilada ayaa xeerkii ka soo baxay Golihiisa dhabar wareemaya oo wax ka bedalaya oo xeerkii Goluhu ansixiyey mid aan ahayn u gudbinaya meel kale” ayuu hadalkiisa raaciyey xildhibaan Ruush.

Xildhibaan Ruush, waxa uu halkaasi ka akhriyey qoraal uu Guddoomiyaha Guurtidu u diray Guddoomiye Cirro, kaasi oo si asluubeysan loogu tilmaamayo faraqa u dhexeeya xeerka Wakiiladu ansixiyeen iyo ka Guurtidu loo gudbiyey, waxaanu yidhi “Guurtidu markay arkeen waxa dhacay culayskiisa, waxay isku dayeen inay arrinta xalliyaan oo ay u caqli celiyaan Guddoomiyaha Golaha wakiilada, waxayna u soo qoreen warqaddan:

Ujeeddo: Wax Ka Bedal Xeerka Diwaangelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer L/n 37/2010.

Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL

“Mudane Guddoomiye, wax ka bedalka xeerka diwaangelinta cod-bixiyayaasha Xeer L/n 37/2010, ee aad Golaha Guurtida u soo gudbiseen, kuna lifaaqan halkan iyo kii aad golaha (Wakiilada) ka ansixiseen farqi ayaa u dhexeeya, sida ku cad qodobka 7-aad, farqaddiisa labaad, qodobka 25-aad iyo qodobka 26-aad, sidaa daraadeed waxa la idinka codsanayaa inaad isa soo waafajisaan, soona gudbisaan nuqul rasmiya oo ah kii golaha ka ansaxay ee ay sharciga ahayd inaad noo soo gudbisaan”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL

Md. Saleebaan Maxamuud Aaden

Xildhibaanka oo sii hadlaya ayaa sheegay “Guurtidu waxay xuseen saddex qodob oo lagu galgashay oo wax lagu darey, waxna laga dhimay, iyadoo qodobbada la bedalay intaasi ka badan yihiin, markaa warqaddaasi waxay marag u tahay in khiyaamo qaran dhacday, Guddoomiyaha Golaha iyo xoghayihii Golaha wakiiladuna isku raaceen inay gudbiyaan xeer aan ahayn kii Mudanayaasha Golaha wakiiladu ansixiyeen” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey Xildhibaan Ibraahim Carraale (Ruush), “Markii Guddoomiye Cirro warkaasi gaadhay wuu ka garaabay, waxaanu u ballan-qaadey inuu saxayo wixii qalad dhacay, nasiib daro’se markii uu ka baxayey Madaarka diyaaradaha Hargeysa (ee uu la socday weftigii xisbiyada ee Nairobi tagey), wuu duray Guurtida, halkanna (Golaha  Wakiilada)  wuxuu sii dhigay warqad uu Golaha Guurtida ku canaannayo oo uu leeyahay raaca nidaamka sharciga ah..warqadda dambe ee uu Guurtida u qoray waxa ay caddeynaysaa muran iyo ku adkaysi wixii uu falay ah, taasi oo muujinaysa in si badheedh ah loo sameeyay khiyaamada qaran ee dhacday”

Caalin, Barre Iyo Ruush

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan Dheere), ayaa isaguna arrintan ku tilmaamay mid ugub ah oo aan hore uga dhicin labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland “Arrintani waa arrin ugub ah oo aan hore uga dhex dhicin labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland” ayuu yidh, Mudane Cabdiraxmaan Cismaan Caalin.

Somalilandtoday.com/Hargeysa Office

Contact@Somalilandtoday.com