Kooxda Daacish Oo Lagu Eedeeyay Dilka Afar Askari Oo U Dhashay Mareykanka

(SLT-Niger)-Waaxda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sheegtay in kooxda ISIS ay mas,uul ka aheyd weerar todobaadki hore ka dhacay dalka Niger oo lagu dilay afar askari oo Mareykan ah.

A U.S. Army carry team transfers the remains of Army Staff Sgt. Dustin Wright of Lyons, Ga., Oct. 5, 2017, at Dover Air Force Base, Del. Wright was assigned to Company E, 2nd Battalion, 3rd Special Forces Group, Fort Bragg, N.C. (U.S. Air Force photo by Staff Sgt. Aaron J. Jenne)

Afhayeen u hadashay Pentagon-ka oo lagu magacaabo Col. Michelle Baldanza ayaa Arbacadi VOA u sheegtay in malleeshiyo ka tirsan Dacish ay weerar gaadma ah ku dileen ciidamo isugu jira Mareykan iyo Niger afarti bishaan.

Waxay sheegtay in marki uu weerarka dhacayay ay ciidankani kasoo laabteen kulan ay la yeesheen hogaamiyaasha dhaqanka Niger.

Wasiirka difaaca Niger ayaa xaqiijiyay in weerarka uu ka dhacay meel u dhaw deegaanka Tongo Tongo ee gobolka Tillaberi. Weerarkaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay sideed ka mid ah ciidamada Niger.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office