Kooramkii Mudanayaasha Golaha Wakiilada Oo Buuxsami Waayay Iyo Guddoomiye Cirro, Oo Fasaxay Golaha.

(SLT-Hargaysa) Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta ayaa ku dhammaaday qabsoomid la’aan kadib markii Golohu ku guul daraystay inuu buuxiyo kooramkii loo baahna. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, oo loo aanay naayo khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Xildhibaanada qaarkood inay sabab u tahay kooramka buuxsami wayay, ayaa soo xidhay Golihii, wuxuuna sheegay inuu Goluhu galay fasaxiisi, Guddoomiyaha oo ka hadlaaya arrintaasi wuxuu yidhi.

7100.jpg

 

“Golaha Wakiiladu wuxu u yeedhay guddidii doorashooyinka, oo ay soo gudbiyeen guddida arrimaha guduhu, waxayna ahayd in loo codeeyo maadaama oo ay beesha caalamkuna qodobkaas inaga sugaysay, nasiib darro waxa buuxsami waayay kooramki kadib markii Xildhibaanada qaar iyago ka warhaya kulanka Golaha ay ka soo xadiri wayeen, sidaa daradeed waan xidhaya Golaha wuxuuna galaya fasaxiisi.”

Khilaafka Golaha Wakiilada ka dhextaagan ayaa ka dhashay, kadib markii Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro u gudbiyay golaha guurtida xeer ka duwan midkii ay Xildhibaanadu ansixiyeen.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office.

contact@somalilandtoday.com