Kiimikooyinka Qaadka Ku Jira Iyo Saamaynta Maskaxda W/Q: Cali Cabdi Coomay

1.       Kaathiin ( cathine) waa maado kiimiko ah, oo laga helo geedka qaadka, waxay keentaa firfircooni aan  xoog lahayn. Waxay ku badan tahay qaadka inta la tuuro ( garaabada). Waanay ku yar tahay inta la cuno ee baarka sare ah ee jilicsan. Maadadani

waxay inta badan waxay saamayn xoogan ku yeelataa xagga maskaxda, waana ta keentay in dadka cunaa ay waashaan. Dadka waallan ayaa aad u cuno garaabada oo ay kaathiintu ku badan tahay. 100-kii garaam ee qaad ah, waxa ku jira 120 milligaraam oo kaathiin ah.

2.       Kaathinoon ( cathinone) waa maado kiimiko ah, oo laga helo qaadka waxay keentaa mirqaanka iyo firfircooni fara badan. Waxay qofka ka dhigtaa mid faraxsan oo murugo aanay haynin. Wuxuu is-moodaa inuu wax walba haysto, oo aanay waxba ka maqnayn. Maadadani waxay ku badan tahay caleenta sare ee qaadka.  haddii qaadku marka la soo gooyo si deg-deg ah loo duubi waayo, way dhimataa kaathinoontu, oo si fudud ayey hawada u gashaa. Waana ta keentay haddii qaadku habeen yaalay in lagu mirqaami waayo. Dadka qaadka iibiyaa way fahmeen arrintan, oo waxaad arkaysaa iyagoo qaadka markiiba jawaan qoyan ku duubaya, si aanay hawadu u galin. Waxa kale oo jirta kaathinoon macmal ah, oo la isku mudo. Ruushka ayaa ku muday ciidankiisii afgaanistaan ku jabay si looga jeediyo walaacii iyo murugadii kaga habsatay dagaalkii soofiyadka. Waxa kale oo arrintan fahmay ku walfay qaadka, oo u kala badiya qaadka cusub ee kaathinoon-tu ku badan tahay. 100-kii garaam ee qaad ah, waxa ku jira 36 milligaraam oo kaathinoon.

3.       Amfetamiin waa maado qaadka ku jirta, oo xagga dambe saamayn ka keenta. Marka qofka qaadka cunnay mirqaamo oo kaathinoon-tu ku badato, way ka baxdaa marka dambe. Ka dib qofkii waxa ku habsada walaac, walbahaar iyo wahsi. Waxaana arrimahan keena maadada Amfetamiin oo masuul ka ah, walaac, walbahaar, wahsi, daal iyo fikir badan.  Haddii ay maskaxda ku badato maadadani waxay qofka ka dhigtaa in qofkasta u noqdo laba qof. Akhirkana waxay keentaa waallida qofku fara iskula hadlo.

4.       Alkaloydhyo ( Alkaloids) waa maado bilaa midab ah, oo qadhaadh wadata. Marka dambena biyo ayey isu bedeshaa. Waxay kale oo ay ku jirtaa Buuriga, xashiishada iyo Kokaynta, oo dhammaantood maandooriye ah.

5.       Noorefadiriinta waa maado kale, waxay aad isu shabbahaan Kaathiinta. Waxay ku badan tahay garaabada. Waxay ku jirtaa dhiiga qofka cuna. Cunida qaadka iyo waliba garaabada kuwa badsada cunisteeda. Waxay keenta firfircooni. 100-kii garaam ee qaad ah waxa ku jira 8 milligaraam oo Noorefediriinta- ah.

6.       Teerbanoydhyo ( Terpenoids) waa walax ku jirta qaadka, waxay soo daysaa urta ka soo baxda qaaka. Wax maandooriye ahi kuma jiro.

Noocyada waallida ee Qaadku keeno

1.       Waallida Baaranoyo ( miyir qab la-mood)

Eraygu Baaranoyo (Paranoia) waa af-giriig asalkiisu. Waa nooc ka mid ah waallida oo qofka la moodayo inuu miyir qabo, laakinn waaliyi ku jirto. Calaamadaha lagu garto waa is-modsiin aan jirin iyo qofka oo isu haysta halyey. Waa shaki ku beerma qofka. Waxaanu ka shakiyaa saxiibkii amma xaaskiisa oo u maleeyo inuu shirqool dil ah u maleegayo. Ka dib waxbuu is tusayaa. Cudurkani wuxuu ka dhashaa waxyeello gaadhay maskaxda, waxana keena nabar uu sababay maandooriyaha qaadku. Waa la dawayn karaa, haddii kale wuu sii durkaa.

2.       Waallida sikistsafiriinii?a ( isku furan maskaxeed)

Eraygu waa af-giriig macnihiisu yahay maskax qaybsan, waxase looga jeedaa xidhiidh furan ku dhaca maskaxda. Waa koox cudurro ah, oo ay saldhig u tahay khalkhal ku yimaada xidhiidhkii ka dhexeeya maanka iyo laabta. Ka dib waxa khalkhala farxadii, murugadii, nacaybkii, jacaylkii, baqihii iyo dhiiranaantii. Waxa calaamad u ah baqo fara badan, waxa u muuqda wax aan jirin, oo uu ka baqo. Waxaana ku habsada walbahaar iyo naanaabnimo. Waxaana sababa qaadka oo khalkhalkan keena. Heerar kala duwan ayuu sii maraa, marka dambe.

3.       Waallida saykoosas ( khalkhal maskaxeed)

Eraygu waa af-giriig macnihiisu waa khalkhal dhinaca maskaxda ah, kaaso qofka ka lumiya xidhiidhkii uu la lahaa waayaha. Waxaanu samaystaa adduunyo kale oo isaga u gaar ah. Wuxuu noqdaa marmar amma si joogto ah. Waxaana keena maadooyinka qaadka ku jira, qaarkood

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Xigasho

Hadimada Qaadka………………Max?ed Cabdi Daa?uud

Dhibaatada Qaadka……………..C/naasir Jaamac Warsame