Khudbadii Guddoomiyaha Xisbiga WADANI U Jeediyay Dadweynaha Reer Gabilay + DAAWO

(SLT-Gabilay) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay dadweynaha ku dhaqan Gobolka Gabilay oo uu maanta booqasho ku tagay. Khudbadii Guddoomiyaha oo dhamaystiran ayaa u dhignayd sidan.

unnamed (1)

15 October   2014-Khudbadda Gudoomiyaha WADDANI Ee GOBOLKA GABILEY

Bismilaahi raxmaani Raxiim wa salalaahu calaa sayidiina Muxxmed Wa calaa aalihu wa saxbihi Ajamaciin

1.  Waxaan salaamya DHALINYARADA reer GABILEY ee  go,aansaday inay ku soo biiraan  Xisbiga  WADDANI. Sidoo kale, waxaan salaamayaa   Madaxda iyo taageerayaasha Xisibiga, madax dhaqameedka Gobolka, marti sharafta iyo saxaafadda .

2. Soo dhaweyn: anniga oo ku hadlaya magacayga iyo  dhamaan madaxda , hawlwadeenada, taageerayaasha WADDANI waxaan ku soo dhaweynayaa  DHALLINYARAD ku soo biiray Xisibiga WADDANI.

3. Doorashooyinka

Isbedelka taban ee shacbiga doonayaa wuuxuu ku iman karaa doorashooyin u qabsooma si xor oo xalaal ah oo nabadgelyo ah. Golaha Wakiiladu si uu shacbigiisa ugu cadeeyo in qabsoomida doorashooyinka waxaad  la socotaan in Goluhu  soo saaray go,aan gole oo ah in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada isku mar la wada qabto si culeyska looga dul qaado shacbiga. Sow Sidas ma taagersanidin?

Waxaad kale oo ka warqabtaan im Madaxweyne Silaanyo khudbad sanadeedkiisa ku cadeeyey inaan loo kordhin doonin hal maalin doorashooyinkuna waqtigoodi ku qabsoomi doonaan.

Sow sidaas kuma taageersanin Madaxweynaha?

Mowfika Xisibiga WADDANI waa in doorashooynku ku  qabsoomaan xiligooda lagana ilaaliyo wixii caqbado iyo hagar daamooyin ah.  Muddo kordhin Xisbigu sinaba uma ogola. Sinaba uma ogola. Sinaba uma ogola.

4. Muddo Korhdin

Xisibiga talada hayaee KULMIYE  waxa uu sida fiinta uga qaylin jiray xiligii uu mucaaridka ahaa muddo kordhin. Hayse yeeshee, talaabooyinka ay xukuumaddu qaadeysay mudooyinkan dambe waxay u muuqdaan talaabooyin loogu talo in dib u dhac ku yimaado waqtiga qabashada doorashooyinka si ay u timaado muddo kordhin. Talaabooyinkaas waxa ka mid ah :

1. in xukuumaddu mar keliya ka baxdo heshiiskii ahaa in diiwaan gelinta madaniga iyo diwaan gelinta Codbixiyeyaasha ( Dual Tarck) kala madax banaanaadaan oo laga shaqeynayey muddo sanad iyo badh ah.

Arrintani waxay fajaciso ku nooqtay deeq bixiyeyaasha Somaliland ka caawiya geedi socod dimquraadiyadda.

2. In wax ka bedelkii  iyo kaabistii xeer Lr 37/2007 Xeerka diiwaan gelinta codbixiyeyaasha  ee Guddida Doorashooyinku u Gudbisay Madaxtooyada June 2014 si ay qabsoontu diiwaangelinta codbieyeyaashu  iyada oo lagu kordhiyey nidaamka BIOMETERIC oo muwaadinka laga qaadayo sawirka indhaha, xukuumadu daaqadda ayey ka tuurtay.

3. Iyada oo xukuumaddu shaqadii si badheedh ah uga joojisay Guddida Doorashooyinka Qaranka een weli muddo xileedkoodu dhamaan iyo wakiilada axsaabta ee la shaqeyn jiray komishanka  si waqti badan oo shaqo la qaban lahaa u lumo.

4. Iyada oo xukuumaddu culeys baladhan saartay Golaha Guurtida inaan la ansixin wax ka bedelka iyo kaabista xeerka diiwaan gelinta codbixiyeyaasha , Golahana fasax la geliyo, taas ood shalay kala socoteen qalabka warbaahinta.

Arrimahaasi waxay marag cadka yihiin in xukuumaddu ka shaqeynayso muddo kordhin . Muddo kordhin shacbigu ma rabaa? Jawaabtu waa cadahay.

Muddo kordhin Maya

Muddo kordhin Maya

5.  Koomishanka doorashooyinka Qaranka:

Komishankii hore wuxuu mudan yahay amaan, qadarin iyo tixgelin. Xisbiga WADDANI si weyn buu ugu maad naqayaa Komishanka hore, kan cusubna si weyn buu u soo dhaweynayaa kalsoonidiisana wuu siinayaa.

Weli xukuumadu Golaha uma soo gudbin CV-yada, warqadda Caafimaad iyo dembi la,aanta, oo xeerku ka rabay xubnaha cusub, in kasta oo qalabka warbaahinta ka maqasheen in Golaha Wakiilada loo gudbiyey usbuuc ka hor.

Waxaa Goluhu diyaar u yahay inuu waajibkiisa ka guto arrintan marka qabyada ay xukkumaddu soo dhamys tirto.

 

5. Dhallinyarada Somaliland

Beryaha waxaynu qalabka warbaahinta kala soconay dhallinyaro ku baaqday inay qabanayaan shirweynaha Dhallinyarada Somaliland. Arrintaasi waxay mudan tahay in la taageero waayo waxaa lagaga bixi karaa shirarka aan maalin kasta maqalo ee BEELAHA.

Inay cidina sas ka qaado looma baahna. Xisbi ahaan arrintaas waan soo dhaweynayaa waanan taageeraynaa.

Waan inaan badina shirarka qaybaha bulshada  ee reer Somaliland sida haweenka iyo ururada mihnadlayaasha.

6. Shaqo la,aanta

shaqo la,aanta oo ah dhibaatada ugu weun dhallinyarada Somaliland, Xisbiga WADDANI waxa uu ka leeyahay siyaasad cad.

7. Khayraadka Dabiiciga ah

Waxaa nicmo eebbe qarankan siiyey waana loo siman yahay.

Waxaa Siyaasadda Xisbigu tahay si aan uga baadbaadno aafo aynaan ka soo kabin karin in inta la sameeynayo sharciyadaa khayraadka dabiiciga ka  aynaan gelin wax heshiisyo ah kuwaas oo inoo inaga iyo ubadkeena u keeni kara cidhib xumo.

8. Heshiisyada xukuumadu gasho

Xukuumadu iyada oo ka wakiil ah shacbigeeda heshiis way geli kartaa, waxaase dastuurka waajibiyey in laga ansixiyo GOLAHA WAKIILADA, heshiis kasta oo aan laga ansixin GOLAHA wuxuu noqonayaa heshiis aan sharci ahayn.

 

9. Saxaafadda iyo Xuquul Insaanka

Xukuumadeenu waxaad ka warqabtaan inay tacadiyo badan u geystay saxaafadda oo ay weli xayiranyiin HUBAAL iyo HAATUF.

Saxaafadda xorta ah iyo xuquuqul insaanku waxaa foodhadh lagu qiyaaso dalalka dhamaantood, arrintani saameyn badan bay  ku leedahay xidhiidh Somaliland la  a leedahay caalamka iyo ictiraafka helista Somaliland.

10. Fariinta GABILEY

GABILEY waa gobol muhiim ah, qani ah, leh taariikh fac weyn. Waa GOBOL lagu xisaabtamo Codkiisa. Lixdan sano (60) ayaa reer Gabiley codaynayeen. Fariintaydda reer GABILEYwaxay tahay maanta CODKIINA MEEL ku hubsada. Kuna HUBSADA WADDANI.

Gabiley shuruudaheeda Xisibiga WADDANI wuu aqbalay.

Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan shacbiga Somaliland iyo Reer Gabiley falkii lagu laayey saraakiisha ka tirsanaa Ciidanka Qaranka ee QORI LUGUD iyo Taliyihii Ciidanka Booliska ee Arabsiiyo.

Dhaqanka ah ina la laayo sraakiisha amniga, waa dhaqan inagu cusub waana inuu istaagaa, kuwa falalkaas sameeyana in sharciga la hor keenaa. Ilaahay saraakiishaas ha u naxriisto.

Ciyaartooyga reer Gabiley waxbaan la qaban doonaa insha allah.

Togwajaale waa suuq weyn oo ganacsi. Insha allah waxaan qorshaha ugu jira in Togwajaale noqdo SUUQ WEYN OO XOR (free zone).

11. RRU -da

Waa ciidan loo abuuray in lagula dagaalamo argagixisada. RRU waa in loo adeegsan shaqo aan loogu talo gelin. Waa inuu noqdaa ciidan la saaxiib ah shacbiga, oo aan shacbiga cabsi gelin.

Waa inaan loo adeegsan dhallinyarada Gabiley, Wajaale iyo meel kale toona, haddii loo adeegsado waxay ka hor imaneysaa ujeedadii ciidankan loo abuuray.

12. Gunaanad

Aan doorashooyinka u diyaar gawno, dalka aan wada ilaashano, amniga ka wada  shaqeyno, u feejignaano qorshaha  muddo kordhinta ee xukuumaddu waddo.

Allaa Mahad leh.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office