Khudbadihii Askarta, Q…1aad, W/Q: Cali Cabdi Coomay.

Waa falanqayn ku saabsan khudbadihii bilowgii hore ay jeediyeen Madaxweyneyaashii Askarta ahaa, ee Soomaalida u talin jiray. Hadal macaanida khudbadahooda iyo qaadhaadhka dacarta khudbadooda ugu dambaysa, ayeynu diirada saari doonaa, si kuwa soo socdaa ugu gaashaantaan ficiladaasi ina soo maray ama Filimkaasi aynu soo daawanay.

coomay(77)

Dilkii Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke

15 bishii Oktoobar ee Sannadkii 1969-kii ayaa dil toogasho ah lagu diley M/weyne C/rashiid Cali Sharmaarke, waxaana diley askari Beeshiisa ah, isaga oo booqasho ku maray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. Meydkii Marxuumka ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si loogu aaso. Ka dib waxa shir isugu yimid Madaxdii intii dalka hogaaminaysay, maadaama oo uu Raysal-Wasaare Cigaal dalka dibada uga maqnaa.

Shirkani wuxuu socday muddo shan maalimood ah, waxa isna ka qaybgalay shirka Maxamed Siyaad Barre.

 Shirkaasi waxa la isku raacay in Madaxweyne loo doorto Xaaji Muuse Boqor, berrina shirka Baarlamaanka la horgeeyo, waxa isna arrintaasi taageeray Raysal Wasaare Cigaal. Iyaga oo balantaasi halkaasi taalo, ayey 3:00 habeennimo 21/10/1969 habeen Salaasi soo galay koox milateri ahi, oo uu hogaaminaayo Jeneraal Maxamed Siyaad Barre xukunkii rayidka ahaa inqilaab kula wareegeen. Ka dib waxa xabsiga Afgooye lagu guray madaxdii dalka joogtay. Intaasi ka dib waxa xukunkii la wareegay askar uu horumood ka yahay Maxamed Siyaad iyo kooxdiisii.

Khudbadii ugu Horraysay ee Maxamed Siyaad Barre Jeediyey.

Khudbadii ugu horraysay ee Maxamde Siyaad jeediyo waxa ay ahayd 23/10/1969. Ugu horayn isaga oo ka hadlay sababtii ku kalliftay in ay xukunka xoog kula wareegaan wuxuu yidhi” waxaan doonayaa in aan caddeeyo sababtii noogu wacnayd la-wareegidda dalka oo ay ciidmammada Qalabka sidaa ku tallaabsadeen. Waxa kale oo aan doonayaa dadkeennu in ay ogaadeen in ay wax weliba caadi yihiin, waxa dhibaato ahina aysan ka imaan taladii ciidammada. Dalka oo idili, wuxuu gacanta ugu jiraa xoogga dalka iyo Booliska, dadweynuhuna waa raalli, waana deggan yahay oo waa ku faraxsan yahay.

Lama-huraan ayay ahayd ciidammada Qalabka sidaa in ay talada dalka soo farageliyaan, mana suuroobeyn in la iska indha-tiro xumaantii dalka tiillay, sida musuq-maasuqa, laaluushka, qaraabo-kiilka, tuugeysiga xoolaha dawladda, caddaalad-darrida, xurmo-darrida, diinta iyo qawaanniinta dalka oo sharciyadii ka degsanaa la iska tuuray, dadkiina waxaa loo horseeday in ay ku kacaan wax alle iyo wixii ay doonaan. Ma jirto koox ama qoys raaxo ku noolaan kara haddii aysan qawaanniinta iyo xeerarka maamuus u yeelan, haddii qawaanniinta la tuuro, wax horumar ah ummaddi gaadhi kartaa ma jiraan, waxaynu u soo joognay dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid ahaayeen ku takri-falka xoolaha dawladda iyo hantida Qaranka, cashuurtii dadweynaha laga soo ururiyey ayay madaxdu danahooda ugu isticmaali jireen, dalka oo idilna waxa loo adeegsaday sidii hanti gaar loo leeyahay, taas oo ummadda halis gelisay, gacan cadowna gelin lahayd”.

Dhinaca kale Maxamed Siyaad isaga oo ka hadlaya dilkii Madaxweyne C/rashiid wuxuu yidhi” Musuq-maasuqii wuxuu socdaba wuxuu heerkii ugu sarreeyey gaadhay madaxdii dalka in la dilo kolkii lagu dhiiraday burbur ayay Soomaaliya qarka u saarnayd, xaga dhaqaale, iyo xaq siyaasadeedba, taariikhdeenna iyo qarankeennuba halis weyn ayay ku jiraan. Taas baana sabab u ahayd soo fara-gelintii arrimaha dalka aynu soo fara-gelinnay. Haddaynu arrintii dhawaan ka dhacday dalka dib ugu noqonno waxaynu arki karaynaa dal nabad ahi sidii khalkhal loo geliyey. Askari aysan is-aqoon oo wax eed ah lahayn, ayaa diley Dr. Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Iyada oo ay joogaan Hogaamiyeyaaashii dalka oo ay ku jiraan Guddoomiyihii Baarlamaanka ayuu askarigaasi Madaxweynihii rasaas ku furay. Sidee baynu arrimahaasi iyo kuwa kale oo la mid ah oo ay dadka Soomaalidu og yihiin ugu dul qaadan karnaa, waxaan rajaynaynaa annaga oo ilaaha weyn la kaashanayna in aan tirtirno xummaanta dalka ka jirta oo aanu raaxo iyo barwaaqo ugu beddelno, dadkeennana u suurta gelinno nabadda ay u baahan yihiin, umana dulqaadan doonno qas-wadayaasha iyo kuwa qawaanniinta jebinaya.”

Isaga oo ka hadlaya xoojinta Diinta islaamka wuxuu yidhi” haddii loo baahdo xoogga aanu haysanno oo dhan ayaanu u adeegsan doonaa, si aynu u xoojinno Diinta Islaamka oo lagu ciyaaray, waxaanu doonaynaa Soomaaliya in aan ka dhigno waddan sharaf leh, dibedda iyo gudahaba, waxaanu dadka Soomaalida ah u horseedeynaa barwaaqada dhulka ku aasan in ay kala soo baxaan, is-kana daayaan baryada ummadaha kale. Dadka Soomaaliyeed, annaga oo ka wakiil ah, ayaanu talada la wareeganay, waxaan jeclaan lahaa dadka Soomaaliyeed oo idil in ay u tafo-xaytaan dhismaha dalkooda, in ay dhisaan ummad xoog leh.”

Isaga oo ka hadlaya musuq-maasuqa wuxuu yidhi” sidaad Raadiyaha ka maqasheen, waxa la qabtay Baabuur dawladdu leedahay oo tagsi laga dhigtay, saddex maalmood oo qudha ayaanu talada dalka haynay, danta aannu leennahay tallaabadaas aanqaadnay baa u marag ah.”Ugu dambayntii isaga oo dhoolacadaynaya ayuu khudbadiisii ku soo af-meeray “ waxaan ku faraxsanahay midnimada Ciidammada Qalabka sida iyo ummadda Soomaaliyeed, ummaddu waxa ay na siisay taageero dhab ah, taasoo aan ka mahadcelinayno. Waad mahadsan tihiin.”

Khudbadaasi waxa inooga dhadhamaysa hadallo isugu jira, Macaan, Hanjabaad, Waxqabad mustaqbal, Beerlaxawsi bulsho iyo qiiq isku qarin. Khudbadaasi waxa aynu barbar dhigi doonaa tiisii ugu dambaysay iyo waxa iska beddelay.

 Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

La Soco Qaybaha Dambe……………