Khilaaf Xoogan Oo Soo Kala Dhex Galay Golaha Deegaanka Hargaysa

(SLT-Hargaysa)-Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa iyo Maayirka caasimadda, kuwaasoo isu jeediyey eedaymo kala duwan oo weerar iyo difaac ah.

Buuq iyo sawaxan culus, ayaa hadheeyey fadhigii golaha degaanka caasimadda ee maanta, kadib markii maayirka iyo xildhibaanno golaha ka tirsan isku maandhaafeen qodobadda lagaga hadlayo fadhigaasi, iyadoo xildhibaannadu ku doodeen in laga hadlo mooshin khuseeya qodobo hab-maamulka golaha, halka maayirkuna ku adkaystay in la ansixiyo ajande afar qodob ka kooban oo ay hore xildhibaannadu uga biyo diideen.

Koox xildhibaanno oo saxaafadda la hadlay maanta, ayaa eedaymo kala duwan u jeediyey Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ay ku doodeen inuu jabiyey shuruucda u yaal golahooda, loona baahan yahay in lala xisaabtamo, halka maayirkuna isna dhankiisa warbaahinta u sheegay in xildhibaannada buuqa sameeyey ku socdaan kursigiisa, isagoo iska difaacay eedaha ay u jeediyeen.

Xildhibaan Saleebaan Daahir Cabdillaahi (Dogox) oo ah Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada Golaha Degaanka Hargeysa, kana mid ah xildhibaannada ka cadhooday qaabka maayirku u maamulo golahooda, ayaa faahfaahin ka bixiyey mooshin la doonayey in lagaga doodo fadhigii golaha ee shalay, laakiin maayirku horjoogsaday.

“Markii la isugu yimi shirkii waxa dhacay khilaaf. Maayirku haddii aannu shuruucda akhriyi garayn oo uu sharciyaqaan u baahan yahay, annaguna uma baahnin, waanan akhriyi garanaynaa. Maayirku wuxuu bilaabay markii u horraysay ee fadhigu furmay inuu sharciga jabiyo, waayo mooshin ayaa yaallay la soo jeediyey maalintii Khamiista, mooshinkana hal xildhibaan ayaa soo jeedin kara, hal xildhibaan ayaana ku raaci kara, markaa waa in ajandaha meel la iska dhigo oo mooshinka laga doodo, mooshinkaasina wuxuu xambaarsanaa laba qodob oo kala ah; in guddi-hoosaadyada la isku beddelo, guddi-hoosaadkana hawshiisu waxay ku kooban tahay sannad, laakiin labada sanno ee aannu hadda joogno wax isku-beddel ah laguma samayn. Qodobka labaad wuxuu ahaa in la sameeyo guddida qandaraasyada ee Golaha Degaanka oo sharcigu dhigayo.

Waxa jirta in aannu Golaha Degaanku waxba kala socon waxyaabaha qandaraasyada lagu bixiyo ee ku saabsan wax la kala iibsaday, qiimaha la kala siistay, arrintaasna wax aannu kala soconno ma jirto, waxana la yidhaa waxogaa lacag ah ayaa la bixinayaa, kadibna guddida joogtada ah ayaa saxeexda, sidaas ayuuna golaha ku dhaafaa, laakiin waxa sharcigu yahay in Golaha Degaanku ogaado qandaraasyada la bixiyo, kana qaybqaataan wixii dawladda hoose la iibinayo iyo hantida dawladda hoose leedahay ee lafteeda la iibinayo ama la soo iibsanayo,” ayuu yidhi xildhibaan Dogox.

Waxa kaloo uu ku eedeeyey maayirka in aannu samayn wax maamul-daadejin ah, hawshuna ku urursan tahay xafiiskiisa oo keliya, sidoo kalena aannu ku dhaqmin shuruucda u yaal Golaha Degaanka, waxaannu yidhi; “Maayirku hadduu ilaalin waayo shuruucda yaan xildhibaanka laga filin uu sharciga ilaaliyo marka kabaha lala dulmaro.”

Md. Dogox, ayaa sidoo kale tilmaamay in maayirku aannu xildhibaannada ka saari karin fadhiyada golaha degaanku leeyihiin, isagoo xusay in ay la xisaabtami doonaan maayirka, loogana fadhiyo inuu golaha soo hordhigo qandaraasyda iyo mashaarciida la bixiyo, waxaannu sheegay in aan waxba lagu qaban miisaaniyaddii Golaha Degaanka, islamarkaana aan la ogayn meesha la mariyey xisaabtii dawladda hoose.

Xildhibaan Cismaan Xasan Faarax (Waxar),  ayaa isna dhalliilo kala duwan u jeediyey maayirka Hargeysa oo uu ku eedeeyey in aannu waxba ka fulin qodobo hore looga wadahadlay oo la xidhiidha maamul-daadejinta dawladda, samaynta guddida qandaraasyda, qaabka loo maamulo misaaniyadda golahooda iyo in guddi loo saaro magacyada loo bixinayo waddooyinka caasimadda Hargeysa.

“Fadhigii Golaha Degaanka ee saaka waxa ka dhacday fawdo, waxayna ahayd in ajandayaasha maayirku wato meel la iska dhigo ilaa inta laga doodayo mooshinka la xidhiidha waxyaabaha hore loogu heshiiyey, maayirkuna taas wuu ka dhego-adaygay, wuuna diiday, saakana (subaxnimadii shalay) wuxuu ka bilaabay waxaynu ka doodaynaa ajandihii, waxaannanu ku nidhi; ‘maayir, ajandaha waxa ka horreeya mooshinkii yaalay ee inta nin xildhibaan ah soo jeediyey, toddoba kale oo xildhibaanna taageereen, kaasaana ka horeeya ajandaha in laga hadlo, fawdaana ka dhacday, maayirkuna isagaa iska qortay oo yidhi; ‘ajanduhu wuu ansaxay.’ Waxaasina wax soconaya maaha,” ayuu yidhi xildhinaan Cismaan Waxar.

xildhibaan-Dogox

 

“Waxaannu leenahay haddaannu afar xildhibaan nahay, haddaannu 20 nahay iyo hadduu nin keliya yahay kama hadhayno in aannu sheegno wixii khaldan. Kama hadhayno in aannu ummadda wixii loogu talogalay iyo dhaqaalihii laga ururiyey in dib loogu celiyo, maayirkana wax colaad ah nama dhextaal oo nagama dhexayso, reer ahaana annagaa isugu xigna, abtina waan u ahay, seediyona waannu nahay, mana ihi nin wax xumaynaya, laakiin xaqa in aan sheego haddii si kasta u qadhaadh yahay, hadduu walaalkay yahay iyo haddii uu inankay yahay kama aamusayo ilayn ummadda waan u dhaartaye.”

Dhinaca kale, Maayirka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) oo saxaafadda la hadlay isna, ayaa ka jawaabay eedaha ay u jeediyeen xildhibaannada golaha degaanka ka tirsan, waxaannu xusay in xildhibaanno tiro yar ay buuq ka sameeyeen fadhigii golaha ee shalay, waxaannu maayirku si gaar ah uga jawaabay dhalliilo musuqmaasuq oo uu xildhibaan  Cismaan Waxar u jeediyey.

“Waxa la yidhi nin ay u muuqato halka aad joogtaa, qof kursigani uu u muuqdo wuxuu doono ayuu ku hadlayaa, waxaan leeyahay Ilaahay ayaa bixiya masuuliyada iyo maamulka, qofku inuu dhaleeceeyo cid maaha. Anniga iyo Cismaan Waxar way na kala taqaanaa ummaddu kaayaga musuqmaasuq lagu eedayn karo ee kiisas ka yaalaan dawladda Hoose ee toddoba Maayir halkan ka eryeen isaga oo shaqaale ah waa la yaqaanaa,” ayuu yidhi maayir Solteco.

Waxa kaloo uu iska difaacay eedo xildhibaannadu u jeediyeen oo la xidhiidha in aannu maayirku waxba ka qaban caasimadda Hargeysa, isla markaana la lunsaday miisaaniyaddii golaha ee 2014.

“Waa nasiib-darro qofku inuu garan waayo waxa uu ka hadlayo, miisaaniyadayadu waxa ay ku salaysnayd korodhka miisaaniyadii 2013 iyo 2014 oo farqiga u dhexeeyey yahay korodhka aannu miisaaniyadda kordhinay bishii 9aad ayuunbuu xisaab hayaa, isagoo guddida dhaqaalaha ka mid ah, hadana inuu beenta intaa leeg ka sheego xildhibaanku isagay u taal. Waxa uu yidhi waxa soo baxay macal kabkii, waxaanad wada ogtihiin in kabkii lagu galay diiwaangalinta oo arrin qaran ahayd, waxa kale oo uu ka hadlay mashaariicdii 5% l ama qaban,  taasna annigu waxa aan markhaati uga dhiganayaa shacabka iyo media-ha (saxaafadda). Waddada dhexe ee ka soo bilaabanta Haleeya ee ku joogta buurta-kala Jeexan ee dawladda dhexe iyo dawladda hoose iska kaashadeen annagoo madaxweynaha uga mahadcelinayaa hawshaasi uu nala galay, waxa kale oo hawshaasi uga mahadcelinayaa Wasiirrada Madaxtooyada, Maaliyadda iyo Arrimaha Gudaha. Yaa dhisay Garoonkii Xawaadle? Barxada Cusbitaalka hortiisa iyo dab-damiskii oon ku jirin Miisaaniyadda dawladda dhexe, balse dawladda hoose qaadatay kharashkii ku baxaya hawlgalkiisa oo guddi joogto ah goluhu ku ansixiyey. Haddii goluhu diido wixii uu ansixiyey waxa aannu idin siin doonaa muuqaaladii Video-ga ahaa ee la idinka duubay,” ayuu yidhi maayirka Hargeysa.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office Contact@Somalilandtoday.com