Safarkii Masuuliyiinta Xisbiga UCID Ku Tageen Burco Oo Khilaaf U Horseeday & Odayaal Ku Dhexjira Isu Soo Dhaweynta Labada Garab.

(SLT-Burco) Masuuliyiinta Xisbiga UCID ugu saraysa ayaa safar ku tagay Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, safarkaas oo u jeedadiisu ahayd in xafiisyada Xisbiga ee Gobolka Togdheer la dar-dar galiyo, ayaa dhaliyay oo u horseeday madaxda Xisbiga Khilaaf hor leh, sida laga dareemayo jawiga waftiga mudadii ay magaaladda Joogeen.

Faysal-iyo-Jamaal

Dareemida khilaafka waftiga ayaa soo shaac baxday, kadib markii ay laba Huteel u kala dageen labada garab ee Xisbiga UCID ka jira, kuwaas oo kala ah Garabka Musharaxa Xisbiga Jamaal Cali Xuseen oo ku degay Huteelka koona Galbeed ee Magaaladda Ku yaala ee Egal Hotel, iyo xubnihii Guddoomiyaha Xisbiga Faysal Cali Waraabe oo ku degay Huteelka City Plaza oo ku yaala cidhifka bari ee Magaaladda.

Wararka ku dhaw-dhaw waftiga ayaa xaqiijinaaya in kala dega labada Huteel ee waftigu ahayn, mid duruufi keentay oo Huteeladi buuxsameen lakiin  ay tahay khilaaf ka dhex qarxay bilowgii imaanshahooda Burco, iyadoo mudadaas aanay labada Garab yeelan wax kulamo ah oo ay la galaan waxgaradka iyo bulshada Burco. Dhinaca kale waxaa bilaabmay odayaal iskood isu xilqaamay oo isaga ergaynaaya labada Garab ee Xisbigu u kala fadhiyo, kadib markii warkani soo baxay.

Arrimaha ugu waa weyn ee laysku khilaaf sanyahay ayay wararka ku dhaw-dhaw Masuuliyiinta Xisbiga UCID ku sheegeen, inay tahay Jagada Musharaxa iyo Ku-xigeenkiisa, taas oo uu hadda u taaganyahay Mud. Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mattaan, balse tan iyo marki uu Jamaal Cali Xuseen isu cumaamaday jagadaas muddo hadda dhawr sanno laga joogo marna umay hadal beelin oo khilaafyo  iyo kala duwaansho xagga siyaasadda ah oo u dhaxaysa isaga iyo Guddoomiyaha ayay Saxaafaddu soo warinaysay. Si kastaba ha ahaate waxaa la dhawrayaa in khilaafkan hadda ee Xisbiga ku kala qaybiyay Magaaladda Burco sii socdo iyo in odayaasha dhexgalay damiyaan.

Somalilandtoday/Burco/Office.

contact@somalilandtoday.com