Khasaare Xooggan Oo Ka Dhashay Dab Ka Kacay Gobolka Calafornia Ee Dalka Maraykanka

(SLT-CalaforniaUgu yaraan 10 qof ayaa ku geeriyootay dab xoogleh oo ka kacay gobolka Kaliforniya ee dalka Maraykanka.

Dabka ayaa saameyey waqooyiga Kalaforniya gaar ahaan Napa Soboma iyo Yuba. Dabku wuxuu gaarey guryo ku dhaw 1500 oo guri.

Dabka ayaa ka kacay kaymaha dhanka waqooyi ka xiga magaalada San Farancisco, waxaana markiiba si xoogleh u fidiyey dabaylo xooggan oo halkaas ka dhacaya.

Waxaa socda daad gureyn xooggan oo dadka laga badbaadinaayo dabka, iyada oo shaqaalaha la dagalama dabku ay isku dayayaan in ay xakameeyaan. Ilaa hadda dad ka badan 20 000 oo qof ayaa laga soo badbaadiyey dabkan, goobaha dadka laga daad gureeyeyw axaa kamid ah Isbitaalo iyo Hoteelo.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office