Khasaaraha Ka Dhashay Laba Qarax Oo Ka Dhacay Maamul Goboleedka Puntland.

(SLT-Garoowe)-Wararka ka imaanaya waqooyi bari Soomaaliya ayaa sheegay in labo qarax lagu bartilmaameedsaday kolonyo ciidamada Puntland ah oo marayay buuraha Galgala maanta barqinkii.

140902072622_al_shabaab_512x288_bbc_nocredit

Ugu yaraan afar askari ayaa ku dhaawacantay kadib markii labo qarax oo wadada dhinaceeda la dhigay ay ku qarxeen gawaari ay wateen ciidamada daraawiishta Puntland sida ay dadka deegaanku u sheegeen BBC-da.

Kooxda Al-Shabbaab ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradaasi iyagoo sheegay in tiro kabadan toban askari ay ku dileen qaraxyadaasi.

Ciidamada Puntland ayaa dagaal kula jira kooxo islaamiyiin ah oo saldhigyo ku leh buuraha Galgala ee puntland.

Somalilandtoday/Hargeysa/Office