Khamri Lagu Qabtay Madaarka Hargaysa Iyo Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay

(SLT-Hargaysa)-Ciidanka ilaalada Madaarka Cigaal Ee Magaalada Hargaysa ayaa Maanta Qabtay Khamri ladoonayay in laga dhoofiyo Madaarka.

Khamrigan lagu qabtay Madaarka  ayaa ah sida ay saraakiil Ciidanka Booliska Ka tirsani   shegeen mid qaali oo ku jira Quraarado iyo Caagado .

 

ciidank2

Dhinaca kale  taliyaha Ciidanka Booliska somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan  ayaa ku Baahiyay Bayjka uu ku leeyahay Facebooga ayaa waxa uu yidhi”

“Maanta waxa ii farxad ah aniga oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska somaliland oo ku hadlaya afka ciidanka Boliska in ciidanka airpotka ama cigal air pot inay qabteen khamri ah nooca qaaliga ah iyo noocyo Kaleba.

Intaas waxa uu ku daray”waxaan hambalyo u jeedinayaaciidanka ku sharfan qabashada maan dooriyaha oo bishanba garoonka diyaaradaha jamhuuriyada somaliland aanu adkaynay iyo dikadaha badaha.

Dhinaca kale waxa uu Dadka ku hawlan in ay Dalka Dhuumasho kusoo galiyaan Khamriga usoo Jeediyay in ay ka digtonadaan cidii faraha kula jirtna waxa uu kula taliyay inay faraha kala baxaan.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com