Kalgacaylkii Kaaha!! W/Q: Abokor Jirde Cabdi

Roob tiix ah oo da’ay ayaa dhulka rusheeyay, boodhkana nabay, oogadiisana ka dhigay wax ishu ku negaan karto. Cad-ceed dacal la soo  jeedda ayaa dhulka si huruuf ah u soo qooraansanaysa. Dadka ayaa wada faraxsan iyaguna. Wejiyadooda ayaa iftiin dhalaal xiga bixinaya. Dadku  nabdigay kawada degan yihiin, belana haba sheegin.

maqaal-735x400

Siciid ayaa u sii carraabaya xaggaas iyo saaxiibkii Suudi oo ay ballan lahaayeen. Suuqa badhtankiisa ayuu socod tamashle ah ku gaalaa bixinayaa. Waddada dhinaceedda ayuuna lugaynayaa.

Biyihii oogada sare ee dhulka dul soconayay ee uu dhar-jac kaga siiyay kabtiisa buudhka ah ayaa beegsaday maryo fayd-faydan oo cagaha kor looga qaaday, lagana dhawrayay biyaha.  “Alla hoognay!” waar waa ku sidee nejisyaw? Ayay ku qalaadday inantu. Qaylada yeedhay ee hore iyo waydiintan xigtay cadhaduna la socoto ee lagu warsaday, ayuu ku war helay in uu danbi galay waxna qasay. Si hoose oo gaadmo ku ladhan tahay ayuu u jeedaaliyay kobtii dhawaqu ka yeedhay. Qaq! Mise inan uu raadinayay ayay indhaheedu ku soo maqan yihiin. Waa Kaaha!, yartii uu nuurkeeda-ba la’aa ee guriga hooyadeed ku dhex amaamudnayd. Inantuu jacaylkeeda la oofo madoobaaday, ee uu tooshka ku raadinayay gabbal dhaca iyo waa baryaba. Wadnahaa hoos u sikaday, ilmaa ku soo istaagtay, dhididbaa shax ka soo yidhi. Hadal aannu dhuunta ku ogayn ayaa afkiisa ka soo fakaday. “Raalli ahow walaalo,” ayuu hadal dabacsan oo baqdin ku ladhan tahay ku naqas tuuray. kaaha oo khajilsan ayaa meesha iyadoon juuq danbe odhan ka hulleeshay.

 Wer-wer ayaa la jaalay Siciid, neef qabataw ayaa u raacay, xasilloonidii qalbiga ayaa irdhowday, waa kaas la jah-wareersan sida wax ka noqdeen iyo jawaab la’aanta Kaaha.  Talo ayaa ku caddaatay maanta, siday wax u dhaceen iyo siday wax u jiraanna la wadaag jaalleyaashiisii talo qabeenka u ahaa. Talo lagu sii in jacaylka uu u qabo yarta uu u qirto, wixii hore ee dhacay-na qubo, ballaysima-na jiho kale iyo soo bandhigid kaleeto oo cusub. Niyad samaa oo warka afkooda ka soo baxay faraxti geli, huh! Fur-fur warkaasi laabtiisa, kuna deg.

 Is gur waqtigu maalin kasta-na baadigoob warkeeda. U buseel araggeeda una boholyow.

Casar cirku wada casuus yahay oo falaadhaha ku gedaaman oogada dhulku ay faraxti galinayaan qalbigaaga ayay u baqooshay suuqa. Kaahi waatan iyada oo aad mooddo xuuralcayn u daawasho timid dunidan. Marley wajigeeda qofka hor istaagaa wuu jeclaysanayaa, waayo? Kaaha kasoo baxaya kaaha iyo kaaha kasoo baxaya qorraxda ayaa isla falgalaya oo farxad galinaya laabtaada, markaasay laabtu ku hadaaqaysaa: ‘afkow ha hugmine la hadal hoobaan la moodda.’ Mar kale-na isaga oo miiraabsan ayuu haddana calaacal kale oo hor leh ku saxanayaa, kuye:

‘Nin daydanoo,

Daalaa dhacoo,

Dalanbaabi oo,

Dareen kuu qaboo,

La ildaran jacayl,

Lama duudsiyoo,

Dibad lama dhigee,

Waa loo diirnaxaa,

Dadka laga wataa!’  Dar caashaq haleelay iyo madadaalladii weeye intani kollay.

Isku farayaraysi muuqaaleed ayaa foolkeeda ka muuqda. Way isa soo facastay. Qurux aan yarayn ayuu Eebbe siiyay, yadna is-qurxin ahaan way isu hagar baxday. Dharqaadasho ahaanna waa  kaalay arag aan laga daba qaadaynin.

Weedhaaminta jidhku waa farriin I soo eeg ah malaha. Wadhfinta gacantu waa u caado. Cutinta tallaabadu waa u dhalasho. Joof iska kicintu waa iska keen keen. Yartu waa cajiib! …. La soco………

W/Q: Abokor Jirde Cabdi                                                                                                                    Email: Abokorjirde@gmail.com