Kalamaanka Wargayska Somalilandtoday Muxuu Ka Yidhi Shirka Lagaga Hadlayo ganacsiga Dalkeena Iyo Musharaxnimada Madaxwaynaha??

(SLT-Hargaysa)-Bogaadiye: Madaxwaynaheennii waakaa maanta Ingiriiska iyo daneeyayaasha Maalgashiga Somaliland u soo bandhigaya fursadaha ganacsi ee Somaliland yaalla’e waa inaynu dhiiri-gelinaa wax soo saarka dalkeenna, haddii kale waxa la inoo arki wax ma tarayaal dibadda uun wax ka suga. Waxaan bogaadinayaa Muuse Biixi oo dadweynaha ka saaray mugdigii la geliyey Musharaxnimada Madaxwaynaha….

kl
Baafiye: Waar Madaxwaynuhu intii awooddiisa ah wuu dedaalayaaye, waxaan baafinayaa waxa ganacsatadeenu ula jaan-qaadi la’yihiin kuwo adduunka ee maalinba wax cusub soo kordhinaya, bal eeg ganacsatadan Bariiska iyo Saabuunta uun dalka u soo daabulaya….

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday