Kalamaanka Wargayska Somalilandtoday Muxuu Ka Yidhi Shirka Ganacsiga Somaliland Ee Ka Dhici Doona London??

(SLT-Hargaysa)-Bogaadiye: Alleelehay waataa Dawladdii Ingiriis ee 23 sanno ina moodaysay inaynu ku noolnahay Caawimadoodu markay ka yaabeen Koboca ganacsiga dalkeena ay Maal-gashadeyaashooda London soo dhaafi waayay ay hordhigeen fursadaha dalkan yaalla ee bisil, waxaanse  bogaadinayaa Ciidamada Qaranka Somaliland ee heeganka ugu jira hadh iyo habeen Difaaca Xuduudaha dalka.

download (4)

 

Baafiye: Waar Nimanka Ingiriis Daloolkii ay Irbada inagaga mudeen laba sanno ka hor, ayay Maanta Awr marinayaane, waxaan baafinayaa halka ay ku dambeysay Wareegtadii Wasiir Waran-cadde ka soo saaray fulinta Xukunnada Dilka ah, ileen waatan Macalimiintiina qoryaha isu qaateene..

Xigasho:Wargayska Somalilandtoday