Kalamaanka Wargayska Somalilandtoday Muxuu Ka Yidhi safarka Madaxwaynuhu Ugu Baxayo Ingiriiska?

(SLT-Hargaysa)-Bogaadiye: Waxaan bogaadinayaa Madaxwaynaha Somaliland, oo maanta safar ugu baxay Ingiriiska, si uu uga qayb-galo shirkii u horeeyay ee lagaga hadlayo ganacsigeenna, Alleylehe, guul baynu gaadhnay mar haddii adduunkiiba ka hadlayo horumarkeenna…

 

index

Baafiye: Waar in Madaxwaynuhu dedaalayo waxa lagu garanayaa markuu ciidamo gaar ah u sameeyay shirkadaha baadhaya shidaalka’e, waxaan baafinayaa cuntadan la yidhi dadkii reer Geerisaa ku sumoobay…

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday