Kalamaanka Wargayska Somalilandtoday Muxuu ka Yidhi Kormeerka Madaxwayne Kuxigeenka Iyo Khilaafka Joogtada ah Ee Jamaal Iyo Faysal??

(SLT-Hargaysa)-Bogaadiye: Maanta waxaan bogaadinayaa Madaxwayne ku xigeenka oo kormeey xafiisyada hay’adaha dawladdeenna iyo goobihii muwaadiniintu ka qaadanayeen kaadhka dhalashada, waxaanse fahmi waayay  in Jamaal Cali Xuseen ka dhacsan yahay iyo in Faysal Cali Waraabe saxan yahay, illeyn waa kuwan oo midba si u macneeyay xeerkan Guurtidu hakisaye……

kl

Baafiye: Waar Jamaal iyo Faysal weligoodba sidaas ayay ahaayeenoo ismaba fahmaane, waxaan baafinayaa waxa xukuumaddu u dhaman la’dahay khilaafkan soo noqnoqdey ee baliga Diiriye Guuleed…

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday