Kalamaanka Wargayska Somalilandtoday Muxuu Ka Yidhi Khilaafka Joogtada Ah Ee Wakiilada??

Bogaadiye: Waxaan hamlabyo u dirayaa labada Guddoomiye ku-xigeen ee Golaha Wakiillada oo markii ay arkeen inay xaaladdu dhabaqday Guddoomiyaha ka sareeya u sheegay inaanay kula socon xeerka uu dhoodhoobay ee uu Guurtida u gudbiyay, waxa kale oo aan bogaadinayaa shacbiga reer Somaliland ee mar walba u dulqaata Siyaasiyiinta Buuqa iyo sawaxanka ku jahawareerinaya iyagoo toodii kale cuslaysay..

kl

 

Baafiye: Ka Daaca damqashada dadweynahan dibinta ruugaya ee fahmi la’ waxa ay ku murmayaan Nimankan Xeer-dejinta sheeganaya ee habeenkaa caawa ah uu sanadkii 10-aad u buuxsamayo, waxaan baafinayaa waxay la shir iman doonaan Diblomaasiyiinta reer galbeed ee la leeyahay waxay dalka u imanayaan murankan basiidka ah ee maalin gelinkeed lagu dhamayn karo, waa yaabe, malaha lixdii qodob ee berigii hore lagu kala baxay ayay inoo yeedhin doonaan.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday