Kalamaanka Wargayska Somalilandtoday Muxuu Ka Yidhi Jawaabta Madaxwaynuhu Ka Bixiyay Musharaxnimadiisa??

(SLT-Hargaysa)-Bogaadiye: Allaylehe waakaa Madaxweyne Siilaanyo soo afjaray beentii fakatay ee mugdiga lagu geliyay hankiisa Musharaxnimo ee ka nixiyey Nimankii mucaaridka ahaa iyo taabiciyiintooda, waxaanse bogaadinayaa taageerayaashii Mushxaradda iyo sacabka ku ladhay markii shalay uu mowqifkiisa u caddeeyay umadda..

kl

Baafiye: Waar iga daa madaxweynahan laga naxsadaye ee Kursi jacaylkii sida fiinta uga qayliyay yoolbaadhkii Saxaafadda, ee waxaan baafinayaa halka ay wax u marayaan hoggaamiyeyaashii saddexda Xisbi Qaran ee ajande la’aanta la shir tegay iyo qolyahan qaadhaan bixiyeyaasha ee Nairobi ku kulmay…

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday