Kalamaanka Wargayska Somalilandtoday Muxuu Ka Yidhi Jawaabta Cirro Ka Bixiyay Khilaafka Golaha Wakiilada??

(SLT-Hargaysa)-Bogaadiye: Waxaan bogaadinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo sidii looga bartay durba  dejiyay khilaafkii golihiisa ka qarxay ee laga walaacsanaa inuu carqaladeeyo fadhigga lagu xalaalaynayo Guddida Doorashooyinka iyo Miisaaniyadda ay howlihii doorashooyinku u dabran yihiin….

kl

 

Baafiye: Adeer Guddoomiye Cirro haddaanu dhulka is-dhigin oo uu laabta Garaaco sida ina Buubaa iyo Reyte wuu ogyahay in laga haysto aqlabiyadda Golaha oo duhur cad kursiga laga tuurayee, waxaan baafinayaa waxa lagaga wada hadlay Shirkan shalay ka dhacay Beerta Ilma Xaaji Baandare ee Wasiirrada xukuumaddu u fidiyeen Salaadiinta Galbeedka Burco….

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday