Keliya Kulmiyaha Cusub , Hal Erey Kumaa U Haya.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa , Magac iyo Masiibaba maalin bay baxaane , waagii Halgankii snm laggu jiray oo ahaa maalmo adag oo qadhaadh , Hogaamiyeyaashii snm mid walba waxaa lagga guntay hawraar ka turjumaysay duruufta laggu jiray iyo waayaheeda , sidaas ayaanay ereyo badan ooh al-haysyo noqday ku baxeen maalmihii lasoo maray kuwaasoo ay ka mid ahaayeen .

1- Gudoomiyaha I badalay xitaa haduu Boodhi gaadh iga dhigto waan u noqonayaa ( G/2aad ee snm , Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ) .

2- Snm nin ka tirsani snm mucaarid kuma noqon karro ( G/3aad ee snm , C/qaadir koosaar ) .

3- SNM Waa wada Lixle

, ( G/4aad SNM , Axmed Siilaanyo ) .
4- Mas Madaxaa lagga dilaa ( G/5aad ee SNM C/raxmaan Tuur ) .

5- Faqash ( Muj Lixle ) .

6- Qorigaaga Aamin ( Muj Xaamud ) .

7- Jiibab baa Iman ( Muj Carab Ileeye ) .

8- Nin walba waa ku jiq ( Muj Dhaga-wayne) .

9- Waxaad tihiin mashqacii cadawga laggu eegayay ( Muj Jama Ali Ilmi ) .

10- Saadku Burco ayuu inoo yaalaa iyo xeryaha faqashta ( Axmed Mirre ) .

11- Colka Kaarto ma laggu dayay ( Muj Cali Xuseen ) .

12- Ma seeto ayaan ka ilbixi waayay ( Sucaadi alaale ) .

13- Fucking abuuriin ( Hamash Wilson ) .

14- Hargaysa dusheeda ayaa laggu noolanayaa ama Xabaalaheeda ( Axmed dhagax) .

15- Beebeegu ilaahay I tusaa ma badbaadi karro ( Muj Caydiid caga-jar ) .

16- Anaa marlabaad is maqiiqaaya ( C/laahi Askar ) .

17- Balaayo loo baahan yahay baa dhacday ( Carmiye ) .

18- Snm waa Harro biyo ah ,harana wax waliba way ka cabaan , Maxamed Mooge .

Intaas iyo kumanaan kun oo kale oo hawraar iyo murtiyeed waxay ka mid yihiin murtidii ku baxday waayihii halganka iyo xasuusta ka hadhay , hadaba sidaa markay tahay waxaa is waydiinle , Muj Muuse Biixi , kumaa u haya hal erey ?

W/Q: Ahmed Nour Guruje