Kaftan kooban: Muj.Boobe,Cali Guray Vs Muniir Axmed Cigaal

Cajiib: Horta rer Somalilanow Jimce Wanaagsan: Kaftan kooban oo Jimcaysanaaya::

Waxa mararka qaar iga qosliya qof shalay kula yaabana oo maanta isagu sax u arka siduu yeelaayo. Labadan Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale Iyo Cali Yuusuf Axmed (CALI Guray) Xajigii ay isku SNM-ta ahayeen ee Axmed Siilaanyo 7-badii sanno ee khayrka laha geed uu ka galo ayuu waayay, in yar oo bilooyin ah oo Boobe Wasiir aha mooyaane… Labadii oday hadda waaba safka hore Difaaca Xukuumadda Muuse Biixi .“Tawradatan Barakaysan“.. Kulaha …. (Kkkkkkkk).


Kama hadlaayo wixii Siilaanyo khalday oo anba intii danbe waaban ka maqna, kamana hadlaayo wuxuu Muuse Biixi saxay oo wakhti badanba muu joogin.. Lakiin midh uunbaan waydiin laha haday i maqli la hayeen.. “Barigaanu qoladayada Bariga Burco ee Jeegaanta aad isku tihiin sannadihii hore is lahayn Mujaahidka inta badan kursiga doonaayay is barbar taaga intaan abtiyaashay iyo Awdashii Rayaale ee Kursiga laga helay iyo cidkaleba qaylin maxaad dhamacda uga waraabiseen, maxaadse noola yabanaydeen ee kunka dacayadood iyo TV-ga u taagnaydeen…?.. Sannadihii 2010-2011-2012-Kii hadaan is idhahado waxaad tidhaahda Somaliland way barakowday..”Alla xabad yar oo Habar Love ah oo adeerkii Siilaanyo sacabka u tumaaya ayaan aha amarka Illahay”.. Waliba labadan Mujaahid iyo xitaa Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmiga madasha wadatashiga, Maha Xisbi ku muxaafid ee waa ardaa ku muxaafid.

Lakiin waxaad kaga ciil la dihiin Xaafadayada laga hli maayo 10-nin oo Cali Guray iyo Boobe iyo Maxamed Xaashi iyo in kale oo badan ah oo Telefeeshinada isa soo taaga oo Muuse Biixi iyagoo isku jeegaan ah dhaliili kara, kumaba dhacaan ilbaxnimada maba Leh Saleebaan Gaalna gabow.. Kkkkkk.. Hadana Mujaahidka Madaxweyne MBC maba dhaliili karaan waayo annagaba haday is dhaqajiyaan Cali Guray Iyo Boobe xoojinayna oo qaadayna “Tawradatan Barakaysan..”… kkkkkk.

Waa Kaftan Jimce aan turxaan la hayn..
Tusan ..

Muniir Axmed Cigaal.