John Kerry Ayaa Si Weyn Uga Helay Booqasho Uu Ku Joogo Dalka Faransiiska.+Sawiro

(SLT-Paris)-Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry ayaa booqasho uu ku joogo dalka Faransiiska waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah madaxda Sar sare ee dalkaasi oo uu ka mid yahay wasiirka Arimaha Dibada ee Faransiiska Lauren Fabius.

Kerry waxa uu sidoo kale booqday goobaha dalxiiska loo tago ee ku yaala magaalada Paris oo ay ka mid tahay Pont des Arts bridge oo ah goob ay tagaan dadka dalxiisayaasha ah, halkaas oo uu ku salaamay qaar ka mid ah dadka dalxiisayaasha ah ee halkaa booqanayay.

Booqashadan oo ah tiisii 14aad tan iyo markii uu majaraha u qabtay dibloomaasiyada Maraykanka 20 bilood uun ka hor, waxa uu kula kulmay wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Faransiiska oo ay kawada hadleen arimo badan oo ku aadan xidhiidhka labada dal iyo sidoo kale iskaashiga dhinacyada kala duwan.

kerry-paris-street_m

Sidii hore caadada ugu ahayd labada wasiir arimo dibadeed lama ay hadlin warbaahinta, iyada oo xafiiska wasaarada arimaha dibada ee Faransiiska ay buuxdhaafiyeen wariyayaal aad u farabadan oo qaarkood ay dib u riixayeen shaqaalaha nabadgelyada ee Wasaarada.

kerry-paris-bridge_m

Kerry Waxa uu hore booqashooyin kala duwan uugu soo bixiyay magaalooyin farabadan oo ku yaala qaarada Yurub iyo sidoo Asia, si kor loogu sii qaado xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Maraykanku la leeyahay dalalka dibada.

kerry-fabius-paris_m

Dalka Maraykanka ayaa markii ugu horeysay xidhiidh dibloomaasiyadeed la yeeshay Faransiiska markii Benjamin Franlin loo magacaabay safiirka Maraykanka ee dalka Faransiiska , iyada oo calaamado lagu xusayo doorkii taariikhiga ahaa ee Franklin uu ka ciyaaray xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dal lagu xardhay xafiiska Wasiirka Arimaha Dibada ee dalka Faransiiska.

kerry-saint-briac_m

B0dUK61CcAEAkMb

Somalilandtoday\Hargeisa Office

Contact@Somalilandtoday.com