Hoggaamiyaha Mucaaridka Jen Muhammadu Buhari Oo Siweyn Ugu Horeeya Doorashadi Ka Dhacda Dalka Nigeria, Codadka Ilaa Hadda La Tiriyay.

(SLT-Nigeria) Hogaamiyaha Mucaaradka Nigeria Jen Muhammadu Buhari ayaa ku horeeya doorashada tirinta cododka doorashada dalkaas, iyadoo ilaa iyo hada kala bar la tiriyay sanaadiiqdii cod bixinta. Guddiga doorashada ayaa waxaa uu ilaa iyo iminka ku dhawaaqay natiijada ilaa 19 gobol, kuwaasoo ka mid ah 36 gobol oo ay ka kooban tahay Nigeria.

 

image

Laakiin Xisbiga talada haya ayaa ku andacoonaya in aan la shaacin natiijada horu dhaca ah inta laga dhameystirayo natiijada rasmiga ah ee kama dambeysta ah. Inkastoo ay xalay dib uga dhacday ku dhawaaqitaankii la filayay natiijada guud ee doorashada, hadana waxaa la filayaa in maanta la shaaciyo.

Labada dhinac waa Madaxweynaha talada haya Goodluck Jonathan iyo Muhammadu Buhari ayaa waxay u baahan yihiin inay helaan 25% iyo ugu yaraan cododka 24-Gobol. Doorashada oo ah kuwo si aad ah la isugu dhow yahay, ilaa haatan ma jirto cid laga guuleysatay ama cid guuleysatay.

Kormeerayaasha Beesha Caalamka ayaa amaanay qaabka ay doorashada u dhacday, iyadoo dowladdaha Britain iyo Mareykanka ay horay uga digeen inay dhacdo fara gelin siyaasadeed oo lagu sameeyo tirinta cododka.

Haddii isbahaysiga mucaaradka uu guulaysto, waxay noqonaysaa markii ugu horaysay muddo 16 sano ah oo mucaaradka uu awooda la wareego Nigeria. Muhammadu Buhari waa nin Muslim ah oo ka soo jeeda Waqooyiga Nigeria oo ah halka ay ugu badan yihiin ee Muslimiinta Nigeria.

Somalilamdtoday/Hargaysa/Office.