Jawigii Shirka Maalgashiga Somaliland Ee London Ka Furmay, Muqaalki Sherkadaha Caalamiga Ah Iyo Maxsuulkii JSL Ka Faa’iiday. +Sawiro

(SLT-London) Magaalada Caasimadda London ee dalka Ingiriiska waxa maanta si rasmi ah uga fumay shir Caalami ah oo maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland lagu dhiirri-gelinayo (UK-Somaliland  and Trade Conference), kaas oo ay goob-joog ka ahaayeen Madaxweynaha Jamhuuryadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan wefti ka kooban golihiisa Wasiirrada iyo Ganacsato dalka u dhalatay, iyada oo lagu marti-qaaday shirkado caalami ah iyo dibloomasiyiin ka socda waddamada Somaliland ka taageera dhinacyada dimuqraadiyada iyo horumarinta oo dawladda Ingiriisku ka mid tahay.

IMG_547510689771_10154669451225184_1451698502348536291_n1964918_1523071984598763_4384821686616626148_n10171046_10201921455638069_8676730741049642230_n10374457_10154669447065184_7637742494216065698_n10409716_10154669450865184_896810647765977774_n10606006_10201921453198008_1443532521551246032_nedna10609700_10152494024041848_1015580241375908257_n

Shirka maanta ka furamay magaalada London oo qaban-qaabadiisa ay iska leedahay shirkad lagu magacaabo Developing Associates (DMA) oo hore u qabatay shirar noocan oo kale heer caalami ah,  oo loo qabto xidhiidhka ganacsi iyo maal-galineed ee dawladda Ingriiisku la wadaagto dalalka Afrika iyo Eeshiya qaarkood, balse noqonaya markii u horeysay ee ay qabato shir maal-gashi oo Somaliland iyo Ingiriisku iska kaashanayaan, waxa dadka lagu marti-qaaay ee ka qayb-galay ay isugu jireen dhaqaale-yahanno, Ganacsato, wakiillo ka socdo shirkado caalami ah iyo masuuliyiin xilal sar-sare ka haya dawladda Ingiriiska.

IMG_5695Investment (1)InvestmentIMG_5526IMG_5658IMG_5660IMG_566610352192_10201921435957577_6930115882101594974_n10374457_10154669447065184_7637742494216065698_n10408896_1523030774602884_5978423975127289809_n

Shirku wuxuu furmay abaaro 9-Subaxnimo wakhtiga London, waxaana goobta shirka soo camiray dhammaan dadkii lagu casuumay ee ka socday Sherkadaha caalamiga ah iyo Madaxda ka soctay dawlaha Somaliland iyo Ingiriiska, geesta kale waxaa shirka si toosa looga daawanaayay Telefeeshinka Qaranka Somaliland ee SLNTV, oo si toosa oo Live ah u soo gudbinaayay sidaad sawirada ka aragtaan. Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa khudbad dhinacyo badan leh oo ku saabsan maalgashiga Somaliland, ka jeediyay madashii shirka. Si kastaba ha ahaate shirka maanta London ka qabsoomay ayaa noqonaysa kii ugu horeeyay ee heer caalami ah ee ay Somaliland ku soo bandhigto khayraadka ku duugaan iyo maalgashiga lagu samayn karo.

Somalilandtoday/London/Office.

contact@somalilandtoday.com