Jawaabtii Uu Cabdilaahi Cukuse Ku Ganay Faysal Cali Waraabe Ee Ku Saabsanayd Shirka Taladda Qaran Oo Ay Saxaafdda Somaliland Si Weyn U Qaadaa-dhigtay

(SLT.-Hargeysa) Shabakadda Caalamiga ah ee Somalilandtoday ayaa shalay waraysi dhinacyo badan taabanaya waxay la yeelatay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir  (Cukuse), kaas oo jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng.  Faysal Cali Waraabe oo safar uu ku tagay Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awddal , kaas oo uu kaga dhawaaqay in la iskugu yimaddo Shir tallo-qaran ah.

Jawaabta uu ka bixiyay Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse ayaa  Waraysigaasi uu ku faah-faahiyay in tallo-qaran hore loo gaadhay, isla-markaana ay taladdaasi tahay Datsuurka Qaranka ee u yaala Dalka.

Haddaba Warbaahinta Somaliland ayaa maanta aad uga faalootay Waraysigaasi ay Shabakadda Caalamiga  ee Somalilandtoday  shalay la yeelatay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), gaar ahaan Wargeysyadda ka soo baxa Caasimadda Hargeysa ayaa ku soo qaatay ciwaanadda hore Wararkoodda, waxaana sidoo kale baahiyey Shabkaddaha Wararka.

 

Jawaabtaasii uu Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Cukuse ka bixiyay Shirka taladda-qaran ee uu ku baaqay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa saamayn ku yeelatay saaxadda siyaasadda Somaliland, gaar ahaan goobaha lagaga faalladdo Siyaasadda, kuwaas oo shacabku  ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen jawaabtaasi uu Wasiir  Cukuse ku ganay hadalkaasi ka soo yeedhay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

 

Somalilandtoday.com/Hargeysa Office

contact@somalilandtoday.com