Jamaal Cali Xuseen Malaha Aragti Hogaamineed By, Prof.Mohamed Ahmed Farah Mattan (Jaafaa)

Waxaa shacabka wareerinaya Wax aan Wax Aqoon. Aqoontu waxay u bahan tahay maskax qaadi karta hagi karta ee maaha, wax baan Akhrin karaa qori karaa, masuuliyadu waa lamid waxay u baahan tahay shakhsi leh maskax iyo aragti hogaamin karta, leh shuruudihii hogaamiye, ee maaha oo keliya waa Soomaalilander

 SAWIR JAAFAAyy

Jamaal Cali Xuseen wuxu ku waashay Qabiil, wuxuna doonayaa inuu Qaran dhan u noqdo Madaxweyne, qabiilku wuxuu qabiil yahay marka uu yahay kii Allaah qaadirul raxmaan inoo sheegay oo aan cid lagu Dulmayn.. Qabiilku wuxuu qabiil yahay markuu Xaqiisa rabo Xaqaagana ogol yahay. Qabiilku wuxuu qabiil yahay markuu nabadaada, midnimadaada, dawladnimadaada, qaranimadaada, sharafta iyo diintaada saldhig u yahay. Qabiilku wuxuu qabiil yahay marka uu leeyahay xeer iyo xuduud. Qabiilku wuxuu qabiil

yahay marka uu yahay mid baahidaada daboolayo iyo aayahaaga. Hadduu intaa cadow ku yahay, waa cudur ee qabiil ma ah, qabiil maahee waa masiibo iyo baaba, ka masiibadaa aaminey sida Jamaal Cali Xuseen na waa u ayaan darro.

Waxa hadaba is weydiin leh Goorma ayey Shacabka Soomaaliland Codkoodu meel dheer iyo meel dhowba ku dhici doonaa, oo u sheegi doonaan Jamaal Cali Xuseen iney yihiin Qaran ?

Goorma ayey noqon doontaa maskaxdoodu

mid ka turjunta waxa ka maqan iyo aayaha dantooda?

Waxaan aaminsanahay Jamaal inuu ku wanaagsanaan lahaa Bangigii uu maqal hayaha ka ahaa inuu ku noqdo, maanta Shacabka reer Somaliland diyaar uma aha iney dib ugu noqdaan meel ay soo mareen 30 sanno ka hor, waxay, waxay Cullimadu caddeeyeen inuu Madaxweynuhu ama Hogaamiyuhu saldhig u yahay, isku duubnida iyo wadajirka qaybaha bulshada uu hogaaminayo, degenaanshiiyaheeda, gaadhida ujeedooyinkeeda horumarineed.

Waxaa shacabka wareerinaya Wax aan Wax Aqoon. Aqoontu waxay u bahan tahay maskax qaadi karta hagi karta ee maaha, wax baan Akhrin karaa qori karaa, masuuliyadu waa lamid waxay u baahan tahay shakhsi leh maskax iyo aragti hogaamin karta, leh shuruudihii hogaamiye, ee maaha oo keliya waa Soomaalilander.

Prof. Mohamed Ahmed Farah <jaafaa66@yahoo.no