Jahwareerka Bulshada Haysta Jihaynteeda Yaa Leh: WQ/Cabdirashiid Cabdi Baxeer

Jaawibaadka dawladda Waxaa kamid ah “Jihaynta Bulshada” ama xidhiidhka bulshada (PR) Waxa ugu horeeya in bulshadda la baro laba arrimood:-
1. Muxuu muwaadinku xaq ugu leeyahay dawladda?
2. Maxaa muwaadinka dawladu xaq ugu leeyahay?

• Kobcinta wacyiga iyo jihaynta waxaa soo gelaya aqoonta ay bulshadu u leedahay Hay’adaha dawladda, maxay Kala yihiin? maxay qabtaan?awoodahoodu Waa maxay? goorma ayuu u baahanyahay muwaadinku? iwm tusaale:-
1. Golayaashani maxay qabtaan?
– Golaha Wasiirada
– Golaha Guurtida
– Golaha Wakiilada
– Golaha Deegaanka
2. Maxkadda Sare & Makxamadda distooriga maxay Kala yihiin?
3. Maayar iyo bashasaab awoodahooda iyo shaqadooda? Keebaa gobolka ama degma ugu awood badan?
4. Wasiir ku xigeen iyo wasiiru dawla maxay Kala qabtaan?
5. Agaamise,iskuduwe iyo maareeyo maxay kala qabtaan?

• Xisbiyada;
1. Maxay u taaganyihiin?
2. Maxay xaq u leeyihiin?
3. Maxaa xaq loogu leeyahay?
4. Mucaarad Waa maxay?
5. Muxuu xaq u Leeyhaya mucaaradku?
Iwm

Markii bulshada la jihayn waayey EE arrimahan siday yihiin loogu sheegi waayey cidkale ayaa wax u sheegtay waxaanay kasoo dheegteen qaamuuska Qabiilka wax walbana sumad Reer hebel ayey u yeeleen haday xisbi tahay iyo haday xil dawladeed tahayba.
Waxaad maqlaysaa
” Wasaaraddaa ama jagadaa anagaa lahaan jirnay sidee Reer hebel loosiiyey? Akhristow Hadaad adigu taqaano hala yaabin waxaan ku qancay 90% iyo kabadan bulshadu in aan garanaynin waana ayaan darowayn.

Eeda lama wagaado waxay gaar u tahay dawladihii dalka kasoo talinayey
Maantana xilkaasi wuxuu saaranyahay dawladda cusub.

Tolow ma qabandoontaa? Waan rajaynaynaa insha Allah.