Jaaliyada Somaliland Ee Dalka Sweden Oo Si Aanay U Kala Hadhin U Soo Dhawaysay Agaasimaha Guud Ee Warfaafinta.+Sawiro

(SLT-Stokhlom) Jaaliyada Somaliland ee Waddanka Sweden, ayaa si aan kala hadhlahayn waxay u soo dhaweyeen agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta hidaha iyo dhaqanka Somaliland. Mud. Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo safar shaqo ku maraaya waddamada Yurub. Munaasibad si heer sare ah losoo agaasimay oo ka qabsoontay Caasimadda dalkaas ee Stokhlom, ayuu Agaasime Maxamed Cilmi kulan ballaadhan kula qaatay Jaaliyada, waxaana Munasibaad ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha dallada guud ee Jaaliyada Somaliland, Zakariye Xasan Wacays oo ku soo dhaweeyay Agaasimaha waddanka Sweden. Waxaa iyaguna madashii lagu soo dhaweynaayay Agaasimaha Warfaafinta, ka hadlay Madaxda Xisbiyada Qaran oo sheegay inay si niyad wanaaga u soo dhawaynaayaan Agaasimaha.

unnamed (8)unnamed (7)unnamed (4)

Waxgaradka iyo odayaasha Jaaliyada oo khudbado kaladuwan halkaasi ka jeediyay kadib waxaa isagu halkaasi ka hadlay Mud. Maxamed Cilmi Aadan oo dadweynihii Madasha ku sugnaa si xamaasadaysan u sugayeen hadalkiisa, Agaasimuhu wuxuu uga waramay Jaaliyada wacyiga dalkii ku suganyahay, talabooyinka dhinaca hormarka ah ee la qaaday iyo faa’iidada laga helay markii ay shacabka iyo dawladdu isu kaashadeen kaabayaasha bulshada. Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafintu wuxuu tusaale u soo qaatay dhismaha jidka muhiimka ah ee Ceerigaabo, kaas oo uu ku tilmaamay mid hirgali doona haddii bulshaduna qaybtooda ka qaadato.

unnamed (6)unnamed (3)unnamed (1)unnamed (2)unnamed (9)unnamed (10)unnamed (11)unnamed (12)

Geesta kale wuxuu u soo jeediyay Jaaliyada Sweden, inay sidaa maanta ka muuqata isugu duubnadaan, wax kasta ka horeysiiyaan u midowga Qaranimadooda. Gebo gebadii Jaaliyada waddanka Sweden waxay xafladii ka shaciyaan waxtarka dhaqaale ee ay kaga qayb qaadanayaan wadada Ceerigaabo. Munasibadaas waxaa siweyn ishu u qabanaysay oo laysu weydiinaayay niyad samaan iyo midno ka muuqatay Jaaliyada rer Sweden.

 

Somalilandtoday/Stokhlom/Office.

contact@somalilandtoday.com