Itoobiya Oo Mastaafurisay Cali Khaliif Galaydh Oo Addis-ababa Safar Ku Joogay

(SLT-Addis-ababa) – Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay xalay Dr. Cali Khaliif Galaydh ku amartey inuu si deg-deg ah uga baxo Magaalada Addis-ababa oo uu doraad safar ku tagey.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ay dowladda Itoobiya u masaafurisay Hoggaamiyaha kooxda la baxday Khaatumo, Dr. Cali Khaliif, laakiin waxaa loo maleynayaa in dawladda Somaliland ay Itoobiya culays ku saartey inay Galaydh ka erido Addis-ababa isla-markaana la mastaafuriyo.

Galaydh

Tallaabadan Itoobiya qaadey ayaa muujinaysa sida Itoobiya uga soo horjeeddo mushkiladaha Galaydh iyo kooxdiisu ka wadaan gobolka Sool ee Somaliland.

 

Somalilandtoday.com/Hargeysa Office

Contact@Somalilandtoday.com