Itoobiya Oo Cali Khaliif Galaydh Ku Amartey Inuu Dalkeeda Ka Baxo Iyo Wararkii U Dambeeyay Mastaafurintiisa

(SLT-Addis-ababa) – Dawladda Itoobiya ayaa la sheegay inay Dr. Cali Khaliif Galaydh ku amartey inuu si deg-deg ah uga baxo Magaalada Addis-ababa oo uu doraad safar ku tagey.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ay dowladda Itoobiya u masaafurisay Hoggaamiyaha kooxda la baxday Khaatumo, Dr. Cali Khaliif, laakiin war laga helay hay’adaha ammaanka ee Itoobiya, ayaa xaqiijiyey in dawladda Itoobiya amartay in Galaydh uu ka baxo dalkaasi.

Wararka la xidhiidha Mastaafurinta Galaydh, ayaa sheegaya in mastaafurintaasi ay ku lug leedahay xukuumadda Somaliland oo xidhiidh wanaagsan la leh Itoobiya, waxaana wararka qaar sheegeen in dawladda Somaliland ay Itoobiya culays ku saartey inay dalkeeda ka saarto Cali Khaliif Galaydh oo dhibaato ka wada gudaha Somaliland, gaar ahaan Gobolka Sool oo uu hadba dhinac uga wareego.

fq44XDxtcc9ZhC7FPnQYgAyO8qG-r4fJFDuhLvYozLkU5lk3QJlopA0PxN3TxIDzebIeG5sHaNoXkJP_guy_SIieSnsrNLrPrjMknWiwjTy6=w629-h416-nc

 

Dr. Galaydh, ayaa Magaalada Addis-ababa u joogay inuu ka qayb-galo shir lagaga hadlayey nidaamka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyey Machad lagu Magaacaabo (Horn Economic and Social policy Institute (HESPI), ayaan laga war-qabin dhanka uu uga baxay dalka Itoobiya, maadaama oo amar lagu siiyey inuu ka baxo.

Galaydh, ayaa dhowr jeer oo hore ku celceliyey in beesha caalamka oo ay Itoobiya ku jirto ay taageersan yihiin dhaq-dhaqaaqa kooxda Khaatumo ka waddo gudaha Somaliland, laakiin tallaabadan Itoobiya qaadey ayaa muujinaysa sida ay uga soo horjeeddo mushkiladaha Galaydh iyo kooxdiisu ka wadaan gobolka Sool.

Dawladda Somaliland, ayaa hore xukuumadda Itoobiya uga codsatay inay xuduudkooda ka xidhaan Galaydh iyo kooxdiisa oo caado ka dhigtay in mar kasta oo ciidamada qaranka Somaliland waajahaan inay u baxsaan dhanka Itoobiya. Hadda waxa muuqanaysa in Itoobiya ka jawaabeyso codsiyadii hore ee Somaliland.

 Xigasho: Wargayska Somalilandtoday