Itoobiya Maxay Ka Baratay Abaartii Iyo Macluushii 30 Sano Ka Hor Ku Dhuftay Dalkaasi?…

(SLT-Adis Ababa-30 sano ka dib Itoobiya waxay wax ka baratay saameyntii ay reebtay abaartii dalkaasi ku dhufatay taas oo saameyn weyn ku yeelatay nolosha dadka beeraleyda ah iyo xoolo dhaqatada ee dalkaasi.

Abaartan oo ahayd mid ka mid ah kuwii ugu darnaa ee soo mara dalka Itoobiya iyada ay gaajo iyo nafaqo daro u le’deen kumanaan Itoobiyaan ah oo ay beerahoodii iyo xoolahoodii ku baabe’een abaartii dalkaasi ku dhufatay.

BBC-da ayaa sii deysay sawiro ay wariyayaasheedu qaadeen xiligii abaarahani taagnaayeen kuwaas oo si weyn looga argagaxay dunida guud ahaan , iyada islamarkiiba dalalka dunidu ay ku dhawaaqeen in gargaar deg deg ah loo fidiyo dad badan oo dalkaasi ugu le’anayay macluul.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada ee dalka Itoobiya Dawit Giorgis waxa uu masuul ka ahaa hawlaha gargaarka isaga oo u qaabilsanaa dawlada Itoobiya arimaha la socodka heerka macluushu ay taagneyd, isaga oo lahadlayay Barnaamijka Witness ee BBC-da ka baxa waxa uu sheegay in Itoobiya ay waxyaabo badan ka baratay abaaraha caynkan ah.

B0iOQMiIIAApd4y

Giorgis waxa uu sheegay in Itoobiyaanku ay wixii xiligaasi ka danbeeyay ay ogaadeen muhiimada ay leedahay in uu dalku isku tashado oo dawlada oo kaashaneysa dadweyneheeda ay ka gaashamaato in ay soo noqoto mid la mid ah xaaladii macluuleed ee dalkaasi ka dhacday.

Somalilandtoday\Hargeisa office.

Contact@Somalilandtoday.com