Isticmaalka Telefoonada Guryaha Oo Hoos U Dhac Ku Yimi Dhammaan Caalamka

(SLT-Hargaysa)-Tilifoonka Landline-ka ee la dhigto guryaha ama goobaha shaqada ayaa iminka noqonaya mid si weyn ay dadku uuga guureen, dadka ay ku sii hadhsantahay isticmaalka tilifoonada Landlineka ayaa iyagu la ogaaday in intooda badani aaney dusha ka xafidsaneyn lambarada tilifoonadooda.

3 meelood 1meel dadka isticmaala tilifoonada guryaha la dhigto ee Landlineka ayaa iyagu aan qabanin marka lala soo hadlo sababo la xidhiidha iyaga oo aan ahmiyad weyn siinin ama ka mashquula maadaama ay noloshoodu inta badan ay ku xidhantahay tilifoonada gacanta ee ay isticmaalaan.

images

 

Xog uruurin lagu sameeyay 2,000 oo qof oo dhamaantood ah dad waaweyn ayaa lagu ogaaday in kala badh dadkan aaney isticmaalin tilifoonada Landlineka ah oo hadii ay isticmaalana ay aad u yartahay,  tilifoonka Landlineka oo wakhti sii horeysay loo adeegsan jiray in lagula xidhiidho asxaabta iyo qoysaska ay dadku baahida weyn u qabaan xidhiidhintooda.

Laakiin waxaa hada muuqata in si weyn looga gudbay adeegsiga tilifoonadan oo la ogaaday in tiro aad u yar oo dadka ka mid ah ay adeegsadaan tilifoonka Landlineka, iyada oo daraasad uu sameeyay Relish Broadband oo ah khabiir dhinaca tilifoonada ah uu ku ogaaday in sababta ay dadku weli usii adeegsanayaan tilifoonada Landlineka ay tahay

iyada oo in badan oo ka mid ay uga baahanyihiin adeega Internetka ee guryaha loogu soo xidho

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday.