Isra’iil: Fooq Loo Bedely Qubuuro Dadka Lagu Aaso

(SLT-Tel-Aviv)-Cidhiidhiga dhulka ee ka jirta dalka Israel ayaa sababtay, in dawlada hoose ee magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Tel-Aviv, ay hirgeliso, dhisme dhawr dabaq ah, oo gabi ahaantii xabaalo dadka lagu aaso loo badalay, kuwaas oo sida loo qorsheeyay, sida alaabta  xabaalba xabaal lagu dul saari doono oo la isku dul rasayn doono.
QABUURO

Dhibaatada dhulka ee jirta iyo dadka Yuhuuda oo xitaa kuwooda ku dhinta dibada maydkooda u soo qaada dalkooda, ayaa sii murgisay xaalada, waxaana xabaalahan fooqa ah loogu talo galay, in qof kasta oo lagu aasayo, ehelkiisu bixiyaan, lacagta sida khaanada oo kale qabrigiisa loogu dhisayo, waxaana loo sameeyay qaab nashqadeed suura gal ka dhigaya in loo dal xiis tagi karo.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com