Isleegta Nolosha. W/Q: Xamse Tudhaale

Maqaalkan waxa aynu kaga hadli Doonnaa 4-ta qodob ee ay noloshu ku noqoto mid dheelitiran; kuwaas oo qofka u horseedi kara in uu nolol wanaagsan ku noolaado Aduunka inta uu joogo, sidoo kalena uu u shaqaysto Aakhiradiisa oo ah noloshiisa danbe wax wanaagsan oo anfaca.

4-tan qodob waa kuwo uu u baahan yahay kana maarmaynin qof kasta oo raba nolol wadata farxad iyo horumar uu qofku u qaado dhanka wanaagsan, isaga oo aan seegayn in uu u shaqaysto noloshiisa danbena.

Qodobka 2aad: Caafimaadka

Waxa aynu ognahay qiimaha iyo doorka uu caafimaadku ka ciyaaro nolosha aadamaha, waxaana hubaal ah in haddii uu qofku caafimaad ahaan liito ay adag tahay in uu

ka fikiro wax ka baxsan caafimaadkiisa, taas oo ay sabab u noqonayso isku buuqa gudeed iyo dareenka deganaan la’aanta uu qofku ka daremayo gudihiisa.

Maalin walba waxa aynu aragnaa dadyow la tacaalaya in ay noolaadaan, kuwaas oo rejo ka qaba in ay si fiican u neefsan doonaan ama si awood u leh mar labaad cagahooga ugu istaagi doonaan si ay hawl maalmeedkooga ugu gutaan qaabka ugu fiican.

Caafimaadku waa waxa kaliya ee aynaan dareemin ilaa aynu wayno; inta ka horaysa se si dhayal dhayal ah u lumino, hadhawna ka qoomamayno.

Inta ugu badan, Caadooyin fara badan oo iskugu jira balwado kala duwan ama habdhaqano kala gedisan; kuwaas oo aynu gacmaheena ku kasbano, ayaa sabab u noqda in aynu wayno caafimaadkeena ama dhaawac baaxad weyni ina soo gaadho.

Ogoow in aan qof caafimaad haysani awood u lahayn in uu ka fikiro horumar kale iyo hawlo uu qabto oo kale, balse waxa ugu weyn ee uu ka fikiraa ay tahay in uu mar labaad ku noqdo noloshiisii caadiga ahayd ee caafimaadka qabtay. Haddaba inaga oo ka shiidaal qaadanayna waxyaabahaas oo dhan waxa qasab ah in aynu ku dedaalno talaabo kasta oo aynu ku sii xoojin karno ilaalinta caafimaadkeena, kaas oo ah Nimco Alle (S.W.T) ina siiyey balse aynu inta badan dayacno.

Qaab nololeedkeena ayaa qayb wayn ka qaata in uu caafimaadkeenu dhaawacmo ama awoodaysto, taas oo ah waxyaabaha aynu qabano maalin walba; Tusaale ahaan haddii aad maalin walba samaysato caado wanaagsan oo ah jimicsi waxa aad xoojinaysaa caafimaadkaaga, Cuntada aad cunto laftigeedu waxa ay qayb ka tahay caafimaadkaaga taas oo haddii ay tahay mid si dabeeci ah dhulka uga soo baxday ay kaa caawinayso in uu caafimaadkaagu xoogaysto haddii kale oo ay tahay cuntooyinka casrigan ee la warshadeeyana ay kugu keeni karaan dhaawac caafimaad oo weyn, dhakhaatiirtuna inta badan way ka digaan cuntooyinka aynu cunayno in ay noqdaan kuwo aan dabeeci ahayn.

Noloshan casriga ee aynu nool nahay wallow aynu ka gaadhnay heer wanaagsan, haddana bini’aadamku waxa uu ku guuldarraystay in uu xoogga saaro wax-soo-saarka dabeeciga ah, gaar ahaan wadamada Afrikaanka ah.

Haddaba waxa aynu ka hadlaynay qaabka uu qofku u dheelitiri karo isleegta noloshiisa’e waxa muhiim ah in aynu ilaashano caafimaadkeena inagoo raacayna talaabooyinkan dabiiciga ah ee inaga caawin karaya haysashada caafimaadkeena.

1: Ka dheeroow Sinada (Galmada Xaaraanta ah) waxa la ogaaday in qofka caadaysta eek u kaca in uu sameeyo galmo xaaraan ah uu la kulmo cuduro dhaawaca noloshiisa, god madowna ku ridi kara; sidoo kale waxa aynu ognahay xaga ay Diinteenu ku taagan tahay falka noocan ah kaas oo ALLE (S.W.T) inaga xaaraantinimeeyey, taas bedelkeedana Alle (S.W.T) waxa uu inoo banneeyey GUURKA oo aynu kaga kaaftoomi karno ficilkaas la xaaraantinimeeyey. In uu qofku ka dheeraado kana fogaado Sinada waxa ku jirta badbaadadiisa Aduun iyo Aakhiraba, qofkii caadaystana waxa hubaal ah in uu ku danbeeyo nolol xumo iyo dhimasho fool-xun. Sidoo kale waxa iyana keeni kara daawashada filimaanta dhiirrigelinaya Galmada xaaraanta ah in uu qofku burburo maskax ahaan iyo jidh ahaanba.

2: Cun Cunto dabeeci ah: in aad cunto cunto dabeeci ah, waa badbaadada caafimaadkaaga, waana dawada lagaga hortagi karo cuduro fara badan oo ay sababto dheeltirnaan la’aanta cuntadu. Cuntadana dabeeciga ah waxa ku jira dhammaan fiitamiinadii iyo macdanihii uu u baahnaa qofku ee ka saacidayay in jidhkiisu iska saaro wax kasta oo dhaawici kara caafimaad ahaan. Haddii aad eegto nolosha dadkeenii hore waxa ay ka madhnayd cuduro badan oo aynu manta la daalaa dhacayno bulsho ahaan, kuwaas oo ayn keeneen cuntooyinkan mishiinada lagu sameeyey ee qasacadaysan ama aan loo samayn hanaankii dabeeciga ahaa. Qofba qofka uu ka isticmaal badan yahay cuntooyinka dhulka ka soo baxa ee dabeeciga ah sida kuweena waddaniga ah, waa uu ka caafimaad badan yahay kana nolol wanaagsan yahay.

3: Ka Dheeroow Warwarka iyo Cadhada Badan: Dadyowga ugu cadhada iyo warwarka badan Dunidu waa kuwa ugu dhibaatada badan dhanka caafimaadka, kuwaas oo ay ku dhacaan cuduro khatar ah oo dhaawaca noloshooda caafimaad. Waxa ay in badan culimada Caafimaadku inooga digaan in aynu ka dheeraano Cadhada badan iyo Werwerka kuwaas oo halis ku ah caafimaadkeena. Taas bedelkeeda isku day in aad ka shaqayso sidii aad inta badan farxad iyo deggenaan ugu qaabili lahayd waayaha kala duwan ee nolosha. In aad xakamayn karto dareenkaaga cadho iyo farxadeed waa talaabo wayn oo kuu horseedi karta in uu caafimaadkaagu kuu dhawrsanaado.

4: Samee Jimicsi: In aad samayso jimicsi, waxa ay ka dhigan tahay in aad si fiican jidhkaaga uga shaqaysiisay una sahashay in uu u isticmaalo cuntada ku jirta sida ugu wanaagsan; khashin saarkana u sameeyo si joogto ah.

Jimicsi marka aynu maqalno waxa markiiba dhagaheena ku soo dhaca Biro la qaad qaadayo iyo jidh la dhisayo muruqyo waaweyn, taas oo kaliya maaha jimicsi inta badana waxa isticmaala dadyow gaar ah oo ujeedkoodu yahay ka ganacsiga xooggooda ama xiiseeya in ay yeeshaan muruqyo waawayn. Haddaba ogsoonoow in uu socodku yahay jimicsiga ugu wanaagsan ee uu jidhku dhammaantii wada dhaqaaqayo, 5000-10,000 oo talaabo oo aad qaado maalin walba waxa ay kuu noqon karta xal caafimaad.

5: Ka Dheeroow Balwadaha:Dadyow badan ayaa gacantood ku doonta wixii burburin lahaa caafimaadkooda, kuwaas oo aanay qaarkood dareensanayn; halka kuwo kalena ay dareensan yihiin laakiin ay awood u yeelan kari waayeen in ay iska xakameeyaan Balwad noloshooda ku jirta oo xun. Inta ugu badan waxa ugu weyn ee ay dadkeenu isticmaalaan gaar ahaan Dhallinyarada ayaa ah Qaadka/Jaadka iyo Sigaarka, kuwaas oo aynu dhawaanahan dareenay faa’ido darrada caafimaad ee ay leeyihiin; natiijadoodana aragnay dadyow badan oo ay dhaawac caafimaad gaadhsiiyeen.

6: Cab Biyo Kugu Filan: Inta badan marka aynu ka cabano Kalyaha ayaa ay dhakhaatiirtu inagula taliyaan cabitaanka Biyaha, taas oo aynu aaminay in marka kalyuhu qofka xanuunaan uun uu cabo biyo badan. Nasiib darro se waxaynu ilownay muhiimada ay Biyuhu u leeyihiin nolosheena oo dhan iyo in ay inaga caawin karaan sifaynta dhiigeena iyo saarista xanuunada ku jira, sidoo kale biyo badan oo aad u cabto si joogto ahi waxa ay kor u qaadayaan quruxda jidhkaaga iyo caafimaadkagaba. Nasiib darrada ugu weyn ayaa ah in aynu biyaha xasuusano marka aynu harraadno oo kaliya, taas oo iyana dhaawici karta caafimaadkeena.

Biyaha waxa ku jira maadooyin badan oo waxtar weyn u leh jidhkeena, sidoo kale waa waxa ay uu noole kasta u baahan yahay oo Alle ayaa quraankiisa inoogu sheegay in uu wax walba oo nool ka sameeyey biyo, kana dhigay biyaha waxa ugu horreeya ee nolosha suurto galinaya.

Xaddiga biyo ee uu qofku cabi karo si toos ah uma cadda se waxa ay culimo badan oo dhanka caafimaadka ahi isku raaceen in la cabo 5 Litir oo biyo ah maalintii in ay qofka ku filan tahay. Sidoo kale waxa aynu ognahay in 70% Dunidu tahay Biyo halka 30% ay tahay Dhul qalalan, taas oo muujinaysa muhiimada Biyuhu nolosha u leeyihiin. Sidoo kalena jidhka Aadmigu ka samaysan yahay 70% Biyo.

7: Ka Fogoow Saamalaylka: Dadyow badan ayaa caadaystay in saamalaylaan, kuwaas oo uu badanka miisaankoodu hoos u dhaco sidoo kalena ka cawda xanuuno kala duwan oo ay dareemayaan.

Culimada ka shaqeeya Maskaxda Aadamaha ayaa waxa ay caddeeyeen in uu saamalaylku qofka ku sababo xanuuno kala duwan oo ay qaarkood asiibaan maskaxda, sida in qofka uu haleelo ilowshiyo aan ahayn mid uu keenay gabow ama isku buuq qofka ku dhasha oo xaaladiisa nafsiyeed ka dhiga mid aan dagganayn.

8: Kac Salaada Subax: Kicitaanka Subaxii waa waajib Diiniya oo Alle ina saaray kaas oo ay ku beegan tahay Salaada lagu bilaabayo Maalintaas, oo ah Salaada Subax. Waxa la ogaaday in qofku marka uu kaco ee uu tukado salaada subax uu dareemo farxad iyo badhaadhe nololeed, kuwaas oo ku sababa in caafimaadkiisu kor u kaco, sidoo kale niyad wanaaga iyo degganaanta nafsiyeed ayay qayb ka tahay in aad hore uga kacdo gogoshu oo aad ka hortoosto cadceedu inta aanay kugu soo bixin. Bal u fiirso maalinta aad kacdo salaada subax ee aad ku tukato jamaca iyo maalinta aad kacdo cadceeda oo soo baxda jawigaaga nololeed sida uu u kala duwan yahay.

Qof aan caafimaad haysani waa qof waayay noloshii oo dhan, in qofku wax ku hamiyo waxa ka kow ah awoodda oo ah caafimaadka. Caafimaadku waa waxa kaliya ee aanu qofna ku siin karin. Guushaadu waxa ay ku jirtaa caafimaadkaaga oo aad ilaaliso!.

La soco qaybaha danbe…

Xamse Tudhaale : Qoraa ka faallooda horumarinta shaqsiyada iyo Tabobare Nololeed.

Wixii falcelin ah igala soo xidhiidh: 0634410163

Email: qoraaxamze@gmail.com