“Iskamaan Casilin Wasaaradda Caafimaadka” Dr. Maxfuud C/laahi

(SLT-Hargeysa) – Madixii hore ee waaxda tayeynta shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Dr Maxfuud C/laahi ( My dear) ayaa jawaab ka  bixiyey war laga baahiyey hawl-wadeeno uu ka mid yahay oo wasaaradaasi ka tirsan, kuwaas oo hore loo wariyey inay is casileen.

Dr Mahfud waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaasi, kaas oo sheegay inaanu is-casilin balse loo badalay waax kale oo la doonayo in la dardar-galiyo.

Madixii hore ee waaxda mashruuca tayeynta ee shaqaalaha wasaaradda caafimaadka Dr Maxfuud C/laahi Mydear waxa uu sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu caawa na soo gaadhsiiyey, kaasi oo u dhignaa sidan “Qoraalka halkan aan ku soo gudbinaayo waxaan jeclaystay inaan kaga hadlo waxyaabo badan oo kala duwan oo la xidhiidhi caafimaadka waddanka iyo wasaaradda caafimaadka ee Somaliland.

Aniga oo tixraacaya qoraal lagu soo daabacay shabakadda Togaherer Media taariikhdu markay ahayd 22/oct/2014, kaas oo lagaga hadlayay saraakiil iska casishay wasaaradda caafimaadka isaga oo sabab uga dhigay in ay isku casileen maamul xumo, sidoo kalana raaciyay in uu la xidhiidhay saraakiishaa is casishay.

Aniga oo ka mid ah saraakiisha uu muwaadinkaasi ku soo qoray magacyadooda sheegayna in uu la xidhiidhay saraakiisha is casishey ayaa waxa halkan aan ka cadaynayaa in aanay jirin cid ila soo xidhiidhay oo arimaahaas igala hadashay.

Dhinaca kale maadaama aan ahay sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland lana soo shaqeeyay madax kale duwan oo wasaaradda caafimaadka ka mid ah, aniga oo ku hadlaaya aqoontayda waxa aan halkan aan ugu soo gudbinayaa dhamaan shacbi waynaha wadanka in horumar balaadhan ay gaadhay wasaarada caafimaadku iyo gaar ahaan caafimaadka guud ee wadanka.

Hadii aan ka hadlo qaybta aan madaxda ka ahay ee wasaarada caafimaadku waxa ay la xidhiidhaa isku dubaridka dhakhaatiirta ka soo baxda kuuliyadaha caafimaadka ee waddanka.

Sanadkii 2013 waxa jaamacadaha cafimaadka ee dalka ka soo baxay 26 dhakhtar wasaarada caafimaadku waxay suuro galisay habkii ay dhakhaatiirtaasi uga hawl gali lahaayeen cisbitaalada dawlada iyada oo ku guulaysatay inay u abuurto mushahar dhan 300 dollar oo ay tahay markiii ugu horaysay ee ay dawlada Somaliland ay ka bixiso miisaaniyada mushaar intaa leeg, waqtiyadii hore waxa bixin jirtay mushaaradan hay’adda THET, laakiin ka dib markay arkeen maamulka cusub ee uu hogaaminaayo Wasiir Dr.Sulaiman Essa Haglatoosiye ahmiyada wayn ee ugu fadhiyo mashruucani caafimaadka wadanka ayaa uu hawl galay sidii dhakhaatiirtan loo hawl galin lahaa.

Maamulka cusub ee wasaarada caafimaadku waxa uu ku guulaystay mashruucan oo istaagay in uu dib u kiciyo. Mashruucan oo ka kooban 1 sano ayaa waxa uu ka bilaabmaa marka ay dhakhaatiirtu ka soo baxaan jaamacada 8 bilood ee hore waxa ay joogaan cisbitaaalada lagu tababaro halka 4 bilood ee xigana ay wasaarada caafimaadku u dirto goboloda iyo dagmooyinka ay dhakhaatiirtu ku yar tahay.

Dhamaan guud ahaan waxaan qabaa in wasaaradu ay marayso halkii ugu fiicnayd habka maamulka iyo isku dubaridka hawlaha caafimaadka wadanka. Intaa waxa dheer wasaarada caafimaadku waxa ay imaka ku hawlan tahay sidii ay ugu diyaar garoobi lahayd in ay bulshada kaga hortagto cudurka Ebola oo qaarada Africa iyo guud ahaan caalamkuba dagaal kula jiraan.

Hadaan u soo noqdo sida uu muwaadinku sheegay aniga is casilaad aan is casilay ma jirto ee waa habka maamul iyo siyaasad ee u taala wasaarada caafimaadka in la dardargaliyo mashaariicda kala duwan eek u jihaysan siyaasada wasaarada.

Dr. Maxfuud

Aniga oo ah dhakhtar in mudda ah la soo shaqeeyay wasaarad waxa la ii badalay mashruuc cusub si aan kor ugu qaadno caafimaadka wadanka mashruucaas oo magaciisa la yidhaah Palliative Care Coordinator.

Dr Mahfud Abdi

Mydear

Ministry of Health”.