is badalkii Nidaamki siyaasadeed ee qaarada Afrika dhamaadki qarnigii 20aad Q2aad, w/ Q Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Qormadeeni hore waxaynu kaga so hadalnay inay qaarada Afriki ay gashay jawi siyaasadeed oo cusub, waxa aynu shegnay in is badal ku dhacay nidaamkii dawladnimo, haddaba horaanti 1990kii so afjaristii dagaalkii qaboobaa ee lagu muquniyay awoowdi midawgii   sofiyati, iyago marki dambana u kala googo’ay dawalado kala madax banaan,   dhamadkii dagalki qababoobaa   waxa mesha ka baxday nidaamki hanti wadaaga oo ay ku dhaqmi jireen wadamado ka mid ah Afrika, fursadiihi wakhtigaas ka banana nidamki Afrika aya waxa u aha mid ay reer galbeedku u arkayeen inay si fudud u gaadhi karaan danaha ay ka leyayeen Afrika, iyado ay ugu waynayd arimaha xaga dhaqalaha iyo goobaha muhiimka u ah dhinaca dagalaada iyo jidadka ganacsiga.

  • Economic Interest.

  • Strategic interest

 

Marki ay mesha ka baxay hirdanki labbadi quwadood iyo dagaalki ku dhisna *Ideology-ga, lagana guulaystay midawgi soofiyati, waxa markiiba isaso taraayey heshiis yada ay qarada Afriki la yelanaysay qarada Yurub iyo Ameerica, waxa ay Afriki so dhawaysay deeqaha calamiga ah ey ka helaysay dalalka calamka, waxa laga cawiyay dhinacyada dhaqalaha iyo siyaasada, arimahas oo ahaa kuwa baahi loo qabay, gaar ahaan dhinaca is badalka siyaasada madama oo wakhtigi laga gudbi laha ay durufo siyaasaded hadheyen Afrika, waxa lagama marman noqotay in horumar laga gaadho xaga doroshooyinka, balse madaama oo anay dadala Afriki anay wayo aragnimo dheer u lahayn nidaamka xisbiyada badan iyo doorashooyin, waxa baahi wayn lo qabay in la helo cid Africa ka caawisa xag farsamo iyo xaq dhaqaalaba.

 

ooo

Haddaba iyada oo arinta aynu xusnay laga shidaal qadanayo, waxa wadamo ay ka mid yihiin France, Norway, Sweden, U.S.A , Britian, iyo dadal kalaba ay uso direen Africa khubaro kala talisa arimaha doorashooyinka, waxanay wufudaasi kulamo gaar gaar ha la yesheen hogamiyayashi Africa, iyaga oo kala talinayey sidii ugu fudud ee lo hir galinlaha nidamka xisbiyada badan logana gudbi laha nidaamka ragaadiyay qarada Afrika eek u dhisna halka xisbi, iyo halka hogaamiye.

Dhinaca is badalka siyaasaded horaanti sagashamadki   waxa qaarada Africa wadamado ka mid ah ka bilaabmay nidaamka xisbiyada badan iyo dorashooyinka ku waaso si talaabo talaabo ah ugu soo badanaayey   badiba dalalka Afrika.

Waxa si cajiib ah oo lama filaan ah isku badalay nidaamki dawladnimo, waxa dhacay doorashooyin xor iyo xalaal ah, walow anay ka dhicin guud ahan Afrika balse ay ka qabsoomen wadamo kooban, in kastoo dorashoyinka qaarkodna aanay u hirgalin sidi logu tala galay o ay ahayeen kuwo sharciga baal marsan oo la afduubay sida kuwi ka dhacay dalalka Ghana iyo Nigeria, waxase   haddana Doorashooyinkaasi ka qabsoomay dalalka Afirki ay noqdeen kuwa u fura wado cusub dadalki kale ee Afrika, waxay noqdeen doorashooyin la mahadiyay oo ku dhisnaa rabitaanka dadyowga Afrika.

Doorshoyinka aynu xusnay ee ka dhacay qaar kamida dalalka Afrika waxa ka mid ahaa, doorashadi ay dadwaynihi reer Zambia ay madaxwayne ugu dorteen Kenneth Kuanda sanadii 1991ki, waxana iyana doorashooyinkaas ku yimid rabitaanka shacbiga ka mid ahaa doorashadi Nelson Mandela loogu doortay inu noqda maxawaynihi dalka konfur Africa sanadki 1994kii ,,,,,,,,,,,,,           la soco qaybaha dambe in sha alla

WABILAHI TAWFIIQ.

Senior student at New Generation University College

Email.   Xaajifaarax12@hotmail.com

Fb.   Cabdixakiim Mukhtaar Cali

Addis Ababa, Ethiopia