intay taanadooda ku tahriibayaan, Miyaan tukaano ku furtaan,yaase damaadnad qaadaya inu ka badbaado arrimahan.w/Q maxamed cabdiqaadir colhaye

mohamed1(1)qalinka aan ula jarmaadoo su,aaasha ah,? Intay taanadooda ku tahriibayaan miyay tukaanoo ku furtaan, oo ay daba taalo su,aalo badan oo halkan aan ku soo bandhigi doono.

Waa hammi aduun oo waa hawl badan yahay , waa han aadmi oo waa hantaaqo badanyahay.

Horta maahaa inaad cilmiga u barato cuud ku hel, waxaase haboon inaad cilmiga u barato caqli iyo cashar ka hel, inkstoo caqligu yahay weel ilaahay qofba in uga dhigo ooney xu xidhneyn barashada balse caqligaagu keenayo fahamka, taas ka soo gudub.

Waxaa waayadan danbe dhacday si ay u kala badnaayeenba in dhuyaalka ama tahriibku noqday wax sida hawada inagu

meersan hadh iyo habeen inagu wareegsan, yaase tahriibaya waa ubaxii lagu indho doogsanaayey ee dadlkan iyo dadkani lahaayeen.

Bal baalaha daymood sooyaalkii taariikheed ee caraabay walaw wali raadkiisi qoyan yahay sii eeg waa gugii carabta waa kacdoono isku badalay inay dawlado ku idlaadaan kuna baaba,aan

Waxay ka dhalatay oo iba fur u ahaa, camal laan iyo shaqo la,aan baahsan oo shafka saartay shacabka dadyawgaasi, inagana dadkeena waxa ku dhacay nabaad guur halka maanka ah, waxa dhacay oo soo dhalaalay in qofku dhabcaal ku noqdo naftiisa qaaliga ahayd oo u bilaabo ina uu tahriibo, iskama tahriibayo laakiin garashada ayaa gumayste qarsoon ka qabsaday waxa kamid ah inuu iska indho tiro, meertada aduunyadu inay maalinba cayn tahay oo noloshu tahay hadhkaa labadiisa galin, oo maanta haddii uu waayo barito u helayo waxaase lagu gaadhaa taas, waa samirka smirkase yaa hela , waase maxay samirku, ?

Samirku waa qasnada cidi kula lahayn ee ilaahay qofkasta xamilkiisa ku siiyo si gaar ah, waxa la yidhaa qofba qofku ka samir badan yahay ayuu ka adkaysi badan yahay, ruuxii oo bilaa samir ah ayaa u tahriibayaa dhul shisheeye, oo loo marayo hawl adag sida haraad , saxaraa, buurooo gabiyo soo daldalan dhul bahalku sunsumayo badwayn mawjado iyo gacamo is garbinayaan , uma adkaysan karo dhibaatada halkaa ka dhacaysa waayo qofkani maaha qof samir leh, waayo haddii u samir leeyahay waxa uu sugi lahaa saaca iyo milayga soo socda, taasina waxay keentay in uu dhibaato ka dareemo ama u adkaysanwaayo jidka u marayo oo u halkaa haraad iyo gaajo ugu dhaco,

Bal akhriste ila eeg haddii uu qofkii tahriibka doonay, is rogo oo uu is yidhaah bal meherad yar furo mar ay noqoto tabakaayo ama gaadhi gacan, suaashu waxa weeye ma helayaa qofkii meel u fadhiisto, ma ka badbaadayaa dawlada hoose oo xilliyada qaar si arxandaro ah wax u maaruuqda, waxa dhacda in qofkii is lahaa gacansi bilaw ay dhibaatadaasi hor istaagto

Akhriste yaa damaanad qaadaya inta uu suuqa la qabsanayo in dawlada hoose cashuurta maalinlaha ah ka qaado xili

cayiman waqti ahaan, bal tusaale u soo qaado, cahuurta waxay dawlada hoose bilawdaa xiliyada qaar 7da subaxnimo , qofkan suuqii lamuu qabsan waxay dhacaysa in askarigii iyo wiilkii cashuurta gurayey dul yimaadan qofkii suuqa ku cusbaa dabadeed isagoon waxba laga iibsan halkaaa ku garaacaan alaabtii uu ganacsiga u keenay farasmagaalaha gaadhi ka saaraan isagana xidhaan.

Taasi miyanay keeneyn in qofkii niyad jabo, oo uu is yidhaah u badheedh badwaynta marka uu is waydiiyo su,aalahan? Jamacadii waad dhameysay shaqana waad wayday maxaad u tahriibi wayday, su,aasha labaad? Waa digan waayay meel aad wax ka furato oo dhisme walba waxa ku hor baarqableeya cida leh ama kireysatay oo way adagtany inaad si dhib yar meherad lacagtaadi ugu furato, suaal? Ganacsigii oo garasho iyo reer hebel noqday intaas oo suaalood, jawaabtoodu waxay dhalaysaa inuu qofku tahriibo

Bilaash laguma tahriibo, ee waxa lagu meel maraa waa lacag, lacagtana yaa bixiya, lacagta waxa bixiya dadka ehelka ah waalid ha u horeeyee isagoo badbaado u arka ama bixinaya lacagta marka ay MAGAFAYAASHU qabtaan, inkastoo la sheego inay jiraan dad halkan ka sii dhoofiya oo sii dabara ilaa ay gaadhayaan liibiya, waxase u maankaagu ku waydiinayaa akhriste? Intay taanadooda ku tahriibayaan, miyaan dukaano ku furtaan, laakiin waxa daba yaalaa su,aalo badan ooy ka mid yihiin, YAA DAMAANAD QAADAYA INAY DAWLADA HOOSE KA BURBURIN iyadoo ku gabanaysaa hagaajinta bilicda, YAA DAMAANAD QAADAYA INU HELO MEEL AAN LOO SHEEGANEYN hadda waa gaadhi gacanka oo ay ku adkaato meel u dabada galiyo ama dhigo, marka intaas oo wax is dul fuulaan waxa dhacaysay in dadka qaar is tuuraan oo is miidaamiyaan

WAXA QORAY, MAXAMED CABDIQAADIR COLHAYE

Halgan82@hotmail.com