“Ingiriiska Wax Innaga Yaallaa Ma Jiraan, Waayo Isagaa Ictiraafkeena Halkaa Dhigay, Innagoo Ogeyn Intuu Ku Aqoonsaday Dadkaa Koonfurta Suudaan Ee Lafahooda Isku Cunaya” Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro)

(SLT-Hargeysa) – Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro), ayaa ka hadlay sababha beesha caalamku u hor-taagan yihiin aqoonsiga Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland waxa kaliya ee lagu haystaa ay tahay calanka uu ku xardhan yahay Towxiidku, hasa-yeeshee Sheekhu wuxuu sheegay inay Somaliland guuleysaneyso.

aadan-siiro

Sheekh Aaden Siiro, waxa uu sheegay in aanay jirin wax Somaliland u yaalla dalka Ingiriiska, maadaama oo Ingiriiska oo og waxa Somaliland tahay uu indhaha ka qarsanayo xaqiiqada taalla “Ingiriiska maxaa innaga yaalla, wax alaale iyo wax inoo yaallaa ma jiraan, inay ku ictiraafaan ma ogola, kuwo ina hor taagan waa iyaga, haddana way nagaa ku meeraysanayna” ayuu yidhi, Sheekh Aaden Siiro, waxaanu intaasi ku daray “Ingiriiska taariikhdeena ayay hayaan, Somaliland waxay tahay ayay yaqaanaan, 1960-kii waxaynu qaadaney ayuu garanayaa, haddana maxaa ictiraafkeena halkaa dhigay, tawxiidkaa la innagu haystaa, dad Muslimiin ah oo tashaday oo Diin ka muuqato (ayaynu nahay), laakiin wax kale maynaan (geysan)…”
Sheekh Aaden Siiro, oo khudbaddii Jimcaha ee shalay kaga hadlay arrimo badan, ayaa is barbar dhigay wakhtigii koobnaa ee reer galbeedku ku ictiraafeen Koonfurta Suudaan iyo sida ay uga dhago adeygayaan Somaliland “Waad ogtihiin dalka Koonfurta Suudaan, dadkaa xayawaanka ah ee caqli iyo sharci meel loo raaco aanay jirin ee maanta lafahooda isku cunaya, intay Maraykanka iyo Ingiriisku ku jareen (aqoonsigooda), waayo dan-bay ka leeyihiin, kuwaa ayuun-baynu albaabkooda garaaceynaa, waar waxba inooma hayaan” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “ictiraafka ILAAHAY-baa haya, ILAAHAY-baa ina siinaya, oo aynu ku kalsoonahay, waynuna guuleysanaynaa”

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday