Indonisia: Diyaarad Burburtay Iyo Khasaaraha Ka Dhashay + Sawirro

(SLT-Indonisia) -Ugu 37 ruux ayaa ku geeriyooday diyaarad xamuul oo kuwa milateriga ah oo ku bur burtay goob deegaan oo ka tirsan magaalada Medan ee dalka Indonesia.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa C-130 ayaa ku dul bur burtay ilaa labo dhismo iyo gawaadhi, waxaana goobta ay ku dhacday ka baxayay holac iyo qiic.

 

image

Afhayeen u hadlay Milatariga Indonesia ayaa sheegay in diyaaradan ay la socdeen 12 shaqaale, ayna jireen xamuul ay siday diyaaradan. Meydadka ayaa laga soo saaray bur burka diyaaradan, waxaana ka socday goobta ay ku dhacday diyaarada gurmad aad u ballaaran. Lama oga waxa sababay in diyaaradan ay la dhacdo, hase ahaatee waxaa la sheegayaa in ka hor inta aysan dhicin uu duuliyaha diyaarada la soo hadlay raadaarka.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

contact@somalilandtoday.com