India: Duufaano Xoogan Oo Laga Cabsi Qabo Inay Ku Dhuftaan Xeebaha Dalkaas.

(SLT-India)-Ku dhowaad nus milyuun qof ayaa laga daadgureynayaa xeebaha bari ee dalka India, halkaas oo la filayo in axada ay ku dhufato duufaan xooggan.

141012013108_hudhud_cyclone_512x288_afp_nocredit

Sarakiisha u qaabilsan hawada ayaa ku tilmaamay duufaantan oo loo baxshay Hudhud ay tahay mid aad u daran oo dabayluhu ay jaraan boqol iyo sagaashan iyo shan kiloomiitar saacadiiba.

Xarumo gargaar ayaa waxa laga sameeyey goboladda Andhra Pradesh iyo Odisha.

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Contact@Somalilandtoday.com